Maxamuud Xaashi Ma Heli Doona Mumtas?

0
Friday September 30, 2022 - 08:43:33 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1292
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxamuud Xaashi Ma Heli Doona Mumtas?

    Waxay Qorey Saxafi Abdisataar Sabri

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxay Qorey Saxafi Abdisataar Sabri


Maxamuud Xaashi wuxu udhaqmay sidii arday macalinkiisii ku yidhi : tobankan su'aalood shaqo guri uqaado oo waxaad ka soo jawaabta shan su'aalood oo kamida, Kadibna toban kii su'aalood dhamaantood intuu kasoo jawaabay, oo markii uu soo celiyay  gacanta ka saaray waraaqihii macalinkiisii isagoo aad ufaraxsan oo leh, arday fiican baan ahay oo wixii ba waan kaasoo shaqeeyay, mana rabo wax kayar ممتاز

 

Kadib halkii uu filayay in warqada guusha loogu soo qoro Excellent or Mumtas ayaa bedelkeeda loogu soo qoray, 10-ka su'aalood, shan kamida ayaa lagugu yidhi kasoo shaqee sidaa awgeed  shaqo aan laguu dirin ayaad qabatay, waanaad  ku dhacday imtixaankii 

 

Waxay taasi ina baraysa inaynu tilmaamaha  ardayga la siiyay ay qayb katahay imtixaanka sidaa si lamid ahna shuruudaha Ururada laga rabay mid walba leedahay instruction ay tahay in la raaco, oo la siiyo mudnaan, markaa haddii Ururka Kaah uu Haddaba ku dhaco imtixaanka Wajiga labaad, wuxuu qaladku kayimi xagga  Hogaanka ururka Kaah, gaar ahaan Maxamuud Xaashi oo la iisheegay inuu yidhi looma baahna 1000 qof ee waxaynu gaynayanaa tiro kabadan kun qof, iyadoo ragga qaar ku doodeen in taasi qilaafsan tahay tilmaamihii "instructions"

 

guddida diiwaan gelintu tidhi sidooda halloo raaco,

Haddaba yaa yeelan doona Eeda maadaama laysku riixriixo sababaha keena guuldarada ?

 

Hawlwadeenada Urur siyaasadeedka KAAH ee  gobolada Somaliland waxay muujiyeen dadaal iyo juhdi dheeraad ah, waxay gobolka kasta ka keeneen tiro ka badan tiradii loo diray, waxaanay gacanta kasaareen hogaamiyaha ururka oo waayo arag u ah doorashooyinka iyo hababka loo guulaysto ama loo guuldaraysto kaasoo ah Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi,

 

Gudoomiyaha Ururka KAAH Maxamuud oo laga filayay inuu weeleeyo shaqada sidaa ufiican ee saaxiibadii soo qabteen, sidoo kalena uu waafajiyo Tilmaamaha daabacan ee gudida diiwaangelintu hore usiisay ururada ayaa yidhi (Maya) waxaanuu la aaday jiho kale  oo wixii ururku hawl iyo Tacab soo galay, shakki geliyay weliba waxaan si gaara anigu udareemaya inuu Maxamuud Xaashi tallaabadaas usameeyay si Kas ah "OGAAN" sababtoo ah maaha siyaasi la odhan karro wuu iduufay oo caawa laguma murmeen guusha ururka KAAH hadduu daacad ka yahay

Wabbilahi Tawfiiq


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...