Finland Oo Xuduuda Xidhatay Ka Dib Markii Ay Buuxdhaafiyeen Muwaadiniinta Ruushka Ee Dalkooda Ka Soo Cararaya

0
Friday September 30, 2022 - 08:02:48 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 704
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Finland Oo Xuduuda Xidhatay Ka Dib Markii Ay Buuxdhaafiyeen Muwaadiniinta Ruushka Ee Dalkooda Ka Soo Cararaya

    "Arrintani waxay halis gelinaysaa xidhiidhka caalamiga ah ee Finland,"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Arrintani waxay halis gelinaysaa xidhiidhka caalamiga ah ee Finland,"


Dawladda Finland ayaa ku dhawaaqday inay xidhayso xuduudaha ay la wadaagto dalka Ruushka, si ay u hakiso muwaadiniinta Ruushka ee haysta fiisaha dalxiiska Yurub inay dalkeeda soo galaan, ka dib markii kumanaan qof ay dalkooda ka soo galeen dhinaca dalka Ruushka, maalmihii la soo dhaafay.

 

Amarkan cusub ayaa dhaqan gelaya saqda dhexe ee Khamiistii.

 

Shir jaraa’id oo uu qabtay wasiirka arrimaha debedda ee Finland Pekka Haavisto ayaa u sheegay weriyayaasha in dawladdu ay u qaadayso tallaabadan, si wax looga qabto xaaladda haatan la soo deristay dalkaas.

 

"Arrintani waxay halis gelinaysaa xidhiidhka caalamiga ah ee Finland,” ayuu yidhi wasiirka arrimaha debeddu, isagoo sheegay in dalkiisu uu qorshahan kala hadlay Ukraine iyo dalalka kale, ka hor intii aanu ku dhawaaqin go’aanka.

 

Tan iyo markii uu toddobaadkii hore ku dhawaaqay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin inuu doonayo inuu abaabulo illaa 300,000 oo ah ciidamada kaydka ah, si ay uga dagaalamaan dalka Ukraine, wadamada xuduudda la wadaaga Ruushka ayaa arkay kor u kac ballaadhan oo ku yimi, dadka ka soo cararaya Ruushka ee soo gelaya dalalkooda.

 

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ku soo waramaysa, in Finland oo keliya, in tirada muwaadiniinta ee xuduudda ka soo gudbay, in tiradoodu ay kor u kacday illaa 80%.

 

Finland ayaa Ruushka la wadaagta xuduud dhererkeedu gaadhayo illaa 1,340 KM.

 

Qaybo ka mida warbixintan waxaa laga soo xigtay wakaaladaha wararka ee AFP, AP iyo Reuters

 

VOA


Loading...
Loading...