Wasiir Saleebaan Cali Koorow Annaguna Macaamiisha uu Siciid M. Gahayr Sheegay Waa ku Jiraa ee Ogow (reer oodweyne).

0
Tuesday June 11, 2019 - 10:34:24 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1832
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Saleebaan Cali Koorow Annaguna Macaamiisha uu Siciid M. Gahayr Sheegay Waa ku Jiraa ee Ogow (reer oodweyne).

    Waxaan akhristey maqaal si xikmadi ku jirto oo waano, wax sheeg,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaan akhristey maqaal si xikmadi ku jirto oo waano, wax sheeg, taariikho iyo tudhaalo ka dhaxaysay reer sool iyo reer sallaxley waqtiyo hore oo uu  ku faro-yareystay  hal abuurka, xikmaawiga da,da yar ee Siciid M. Gahayr.



Siciid M. Gahayr wuxuu saleebaan Cali koore wasiirkeenna biyaha uga codsadey si reer magaalnimo iyo ilbaxnimo ah oo asluubeysan in aanu dadka deegaanka reer sallaxley oo xukuumadihii kala danbeeyey ee kulmiye ku luggoyn jireen mashaariic ku kooban dhagxaan meel lagu TUULO iyo ciid MAJARAFADO  intoo la dardaro aan dib loogusoo noqon, inuu wasiirka oo dhawr jeer la iskasoo horreysiiyey oo nimanka ilma KALATUUR ee isu yaqaan KULMIYE ku guureen uu markan xishoodo oo uu ka joogsado inuu ceebtaas fashilantey sumcaddiisa ku waayo. Weliba Siciid M. Gahayr wuxuu wasiirka tusey in reer sallaxley waqtiyo hore abaal ku lahaayeen reer sool oo xeegaani jirtey.


Haddaba, annagoo reer oodweyne ah ayaa arrinkaas aqoonyahan, qoraa sare Siciid yare uu wax na tusey. Waayo wasiirku waqti ku ogog leh 2018 badhtankeedii ayuu deegaanka XAAXI inkastoo uu la socdey wasiirkii hore ee maaliyadda oo beesha  deegaanka kasoo jeeday haddana wasiirku wuxuu ballan-qaadey lacag uu yidhi waa NUS MILLION DOLLAR oo dayuurad baa siddey oo gobolka daad madheedh ayaa immika wax loogu qabanayaa taasoo noqotey sheeko baraley. Weliba qodaalkii XAAXIYEED oo isagoo aan laba bilaabin aad ku FAANTEEN ee aad tidhaahdeen isku filaanshiiyo xagga beeraha ah ayaynu gaadhney isna dib umaanu arag inkastoo aad ku marmarsooteen roobkiibaa seejiyey, ceebtiisuse hadhi mayso waayo waad ka dhaqaaqdeen.

 

Ugu danbeyn reer DAADMADHEEDH waxay ku leeyihiin minfadlak naga xishood oo been danbe yaaney noogu kaasoo dhiibin ILMA KALATUUR habaar bey qabaane, adiguna waa halkii Siciid M. Gahayre macmiishaanu ku jirnaaye sidaas ka warhey, oo yeynnaan riwaayad isula iman.

Murbadle Maradheere.

 

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...