NATO Oo Wacad Ku Martay Inay Ka Aargudan Doonaan Cidii Weerartay Dhuumaha Shidaalka Keena Yurub

0
Friday September 30, 2022 - 07:56:42 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1019
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    NATO Oo Wacad Ku Martay Inay Ka Aargudan Doonaan Cidii Weerartay Dhuumaha Shidaalka Keena Yurub

    "Marka la eego heerka waxyeellada ee soo gaadhay dhuumaha shidaalka"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Marka la eego heerka waxyeellada ee soo gaadhay dhuumaha shidaalka"


Gaashaanbuurta NATO ayaa wacad ku martay inay ka aargudan doonaan ciddii ka dambaysay weerarkii lala beegsaday dhuumaha shidaalka ka soo qaada dalka Ruushka ee geeya dalka Jarmalka, iyaga oo sheegay inay tallaabadaasi tahay weerar cad oo lagu qaaday danaha wadamada xubnaha ka ah gaashaanbuurta NATO.

 

Danjirayaasha dalalka xubnaha ka ah NATO ayaa qoraal ay soo saareen ku sheegay in weerar kasta oo si toosa loola beegsado danaha dal xubin ka ah isbahaysiga milateri, inay keenayso inay si midaysan uga jawaab celiyaan. Iyagoo intaas sii raaciyey in dhuumaha shidaalka ee gaasta iyo shidaalka ka soo qaada dalka Ruushka, inay ka dilaaceen illaa afar meelood, ka dib markii weerar lala beegsaday.

 

NATO illaa haatan cidna farta kuma fiiqin, hase ahaatee waxay sheegeen in dhammaan macluumaadka ay hayaan inuu muujinayo in weerarka dhuumaha shidaalka lagu qaaday inuu ahaa mid ula kac ah isla markaana ah masuuliyad darro.

 

Waxay sheegeen in shidaalka ama gaasta ka daadanaysa dhuumahani inay halis gelinayaan deegaanka badda iyo weliba safarka maraakiibta badda.

 

Afhayeen u hadlay Moscow ayaa sheegay Khamiistii, in weerarka lagu qaaday dhuumaha shidaalku, inaanu suuro gal noqon lahayn, haddii aan taageero laga helin dawlad ama dal uun.

 

"Waxay u egtahay weerar argagixisanimo, oo laga yaabo in lagu fuliyo heer dawladeed," sidaas waxaa yidhi Dmitry Peskov afhayeenka u hadlay Ruushka. Madaxweyne Vladimir Putin ayaa markii dambe u sheegay madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan in "argagixisada caalamiga ahi" ay eedda leedahay.

 

"Marka la eego heerka waxyeellada ee soo gaadhay dhuumaha shidaalka ee Nord Stream, way adag tahay in la qiyaaso in tallaabadan oo kale la qaadi karo iyada oo aanay ku lug lahayn dawlad," ayuu yidhi Peskov. "Waa xaalad aad halis u ah oo u baahan baadhitaan degdeg ah." Ayuu sii raaciyey.

 

Qaar ka mid ah saraakiisha Yurub iyo khubarada tamarta ayaa soo jeediyay in laga yaabo in Ruushku uu fuliyay weerarada, si ay uga faa'iidaystaan qiimaha tamarta ee sare u socda, iyo in ay abuuraan qalalaase dhaqaale oo saamayn badan ku yeesha Yurub, si tallaabadaasi ay u taageerto hawlgallada ay ka wadaan Ukraine.



VOA
Loading...
Loading...