Muuse Biixi Oo Xubin Beeshiisa Ah U Magacaabaya Wasiirka Macdanta Iyo Shirkada Genel Energy Oo Hargeysa Ku Wajahan

0
Thursday September 29, 2022 - 23:43:39 in News by Abdi Good
  • Visits: 3363
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi Oo Xubin Beeshiisa Ah U Magacaabaya Wasiirka Macdanta Iyo Shirkada Genel Energy Oo Hargeysa Ku Wajahan

    Muuse Biixi Oo Xubin Beeshiisa Ah U Magacaabaya Wasiirka Macdanta Iyo Shirkada Genel Energy Oo Hargeysa Ku Wajahan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muuse Biixi Oo Xubin Beeshiisa Ah U Magacaabaya Wasiirka Macdanta Iyo Shirkada Genel Energy Oo Hargeysa Ku Wajahan


Muuse Biixi ayaa qorshaynaya inuu xukuumadiisa ku sameeyo isku shaandhayn balaadhan oo saamaynaysa qaar ka mid ah wasiirada muhiimka ah.

Warar hada I soo gaadhay waxay xaqiijiyeen in madaxweynuhu uu wasiirka macdanta iyo tamarta u magacaabayo Axmed Kilaas oo ahaa gudoomiyaha guddida beesha Subeer Awal kaas oo magacaabistiisa ay codsadeen waxgaradka beesha madaxweynuhu.


Kulan uu Muuse Biixi caawa fiidkii la qaatay Amb Baashe Cawil oo uu wasaaradan u balanqaaday horena uu ugu waayey wasaarada arimaha dibebada ayuu markale ku qanciyey inuu u raadin doono xil kale, ilaa hadana ma cada halka loo magacaabayaa.

Muuse Biixi oo ku mashquulsan isku shaandhaynta xukuumadiisa ayaana golaha wasiirada ka fasaxay shirkii todobaadlaha ahaa ee ay khamiis kasta yeelan jireen.

Sidoo kale shirkadii sahaminta shiidaalka ee Genal Energy ayey wararku sheegayaan inay ku soo wajahan tahay Somaliland ka dib markii la helay ceelka shiidaalka ee deegaanka ka tirsan degmada Salaxley ee gobolka Hawd.

Shirkadan oo uu dhamaaday heshiiskii ay la gashay dawladii Axmed Siilaanyo oo ka qaaday lacag gaadhaysa 46 milyan oo doolar ayaa dalka ku soo noqonaysa maadaama oo ceelka shiidaalka ee laga helay deegaanka Baha Dhamal uu ka tirsan yahay baloogyadii heshiiska lagula galay, waxaana la filayaa inay bixin doonto lacag kale, waana sababta uu Muuse Biixi xubin deegaankiisa ah ugu magacaabayo wasiirka macdanta iyo tamarta.

Sidii lagu ogaaday sahamintii shirkada Genal Energy, ceelka laga helay shiidaalka ayaa ka tirsan baloog u dhaxeeya Sayla Galbeed oo ka tirsan gobolka Hawd ilaa xarunta gobolka Daad Madheedh ee Oodweyne, iyada oo deegaanka Waridaad-na hore looga helay ceel shiidaal oo sahamintii lagu ogaaday.

Loading...
Loading...