Muuse Biixi Oo Kaligii Mudo Kordhin Ka Dalbanaya Golaha Guurtida Iyo Saylici Oo Uu Iska Reebayo

0
Thursday September 29, 2022 - 11:15:29 in News by Abdi Good
  • Visits: 2609
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi Oo Kaligii Mudo Kordhin Ka Dalbanaya Golaha Guurtida Iyo Saylici Oo Uu Iska Reebayo

    Muuse Biixi Oo Kaligii Mudo Kordhin Ka Dalbanaya Golaha Guurtida Iyo Saylici Oo Uu Iska Reebayo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muuse Biixi Oo Kaligii Mudo Kordhin Ka Dalbanaya Golaha Guurtida Iyo Saylici Oo Uu Iska Reebayo

Muuse Biixi oo mudo xileedkii la doortay dhamaanayo ayaa golaha guurtida u soo gudbinaya warqad uu ku dalbanayo mudo kordhin taas oo aanu kula jirin madaxweyne ku xigeenka Saylici.

Warar aan ka helay qorshaha Muuse Biixi u dejiyey damaca uu ku rabo mudo kordhinta ayaana sheegaya in madaxweynuhu uu keligii dalbanayo in wakhtiga loo dheereeyo, ku xigeenkiisa ayaanu ka reebay mudo kordhinta isaga oo ku doodaya inuu dhamaystay labadii jeer ee sharcigu u ogolaa.

Sidoo kale wararku waxay sheegayaan in Muuse Biixi qorshaynayo in marka uu mudo kordhinta helo uu ku xigeen cusub kala soo bixi doono golaha wakiilada, iyada oo wararka qaarna sheegayaan inuu dooran doono xubin ka soo jeeda gobolada bariga.

Talaabada uu Muuse Biixi doonayo inuu qaado ayaa laga filan karaa inay dabka ku sii huriso khilaafka hadheeyey nidaamka dawladnimo ee Somaliland.



Loading...
Loading...