Wasiir Saleebaan Cali Koore: Mashruuc Fashilmay Waxba Lagama Maalgeliyo W/Q Siciid Gahayr
5tii Mey 2018ka ayuu Wasiir Saleebaan Cali Koore dhagax-dhigay biyo-xidheen laga dhisayo deegaanka Kalagooye ee Degmada Sallaxley. Wuu banjaray oo baaqday, far dambena lama dhaqaajin. Sannad iyo dheeraad kaddib oo ku beegan 8dii Juun 2019ka ayuu Wasiirka Biyuhu ka yidhi degmada Sallaxley "Kalagooye waxa aanu ka maalgelin lahayn mashruucii Xumboweyne ee ay Carabtu maalgelinaysay, oo ay lacagi ka hadhsanayd. Way raagtay”
Wasiir Saleebaan Cali Koorow, waxa aad sheegtay in mashruuca Xumboweyne fashilmay Feberweri 2018ka, saddex bilood kaddib ayaa la dhagax-dhigayaa Kalagooye (May 2018). Waa goor rejada mashruuca Xumbo-weyne dhimatay oo aad afkaaga ka sheegtay. Ma mashruuc aad sheegtay in uu fashilmay ayaad ka sugaysaa baaqi lagu dhiso biyo-xidheen? Dhagax-dhigga Kalagooye iyo Fashilka Xumboweyne kee horreeyay? Ma hal bakhtiday ayaa caano laga sugaa?
Ma lacagtii Xumboweyne ayaa maskaxdaada kaaga sii jirtay oo aad ku riyootay inay sideedii isaga soo daba-dhacayso? Ma mashruuc ayaa mashruuc kale loo garoocdaa? Miyaanu weyd noqdeen mashuuca aad lacagtiisa haamaha kale u tolatay: haddiiba maalgelin loo heli lahaa? Billaahi calayk, ma aannu arkin Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlaya Kalagooye/Sallaxlay, ma waxaas ayaad ku wada socoteen? Mise ummadda aad u botorinayso ayaad badawsatay?
Qiilka iyo sababta aad u cuskatay baaqashada Kalagooye ma aha mid caqli ah. Waxa aad ka gabbatay inaad ugu yaraan ummadda ka raalligeliso daasadda madhan ee aad u garaacday. Kollayba dad harraad hayaa way jecel yihiin codka roobka, aragtida biyaha iyo wax kasta oo oonka tiraya. Sidaas ayay u dhegsteen hadalka aan meesha qaban ee aad labada goor u jeedisay.
Markii weydiimaha ku saabsan Kalagooye laga soo tebiyay warbaahinta, waxa soo qaadatay hadal khudbaddaada ku jiray oo aad ku dartay qayb aan khubaddaada ku jirin. Qaybta cusub, waxa aad tidhi "Maanta Somaliland waa aynu ka baxnay marxaladii oo dadkii waxa ay doorteen in wax loo qabto. Wax faraq qof loogu rido, in qaranka wax loo qabtaa baa ka quman oo is la qaadnay. Dhabbada maanta ee waxqabadka, horumarka iyo dawladnimadaa baa la haynayaa”.
Waxa ay u muuqatay inaad ka gabbanayso fashilka aad masuulka ka tahay ee Kalagooye, adiga oo ku dhuumanaya far! Ummadda waxa aan ka raalli-gelinayaa inaad ka baydhay ujeeddadii dhambaalka kugu socday. Cid wax ku weydiisay ma jirin. Sababta aad khudbaddaada uga soo qaadatay intaas ayaa xitaa is-weydiin leh!
Haddii ay cidi lacag booli ah qaadanayso, adiga ayaa markii Baarlamaanka laguu doortay 2005 iska dhoofay, shan sannana iskaga maqnaa dibadda oo qaadanayay lacag aanad subax u soo shaqo-tegin. Taas qiilkee ayaa kuu banneeyay?
Wasiirka wasaaradda biyaha waxa aan leeyahay:
Buruudkiyo milguu waa sed uu, Guulle bixiyaaye
Bagaashkiyo waxaa iibka gala, baabka duunyada’e
Siday tahay baraarkaa la gado, bawnku jari waaye
Burjigiyo karaamaan waqood, baayac gelahaynne
Bishin aan run sheegayn kolkaba, kuma bogaadsheene
Bulshadeennu waa marag waxaan, baadigoob rabo’e
Baad iyo ma doonayn kolnaba, xoolo booliya’e
Baryo iyo kamaan hadal darraad, baahi gooniyae
Wuxuu biiyay goor hore haddaan, boowe yara taabto
Bawlad iyo maxaa keenay maal, bini ma weydiine!
Biyo-gudhiye weedhaan idhiyo, baydhi dulucdiiye
Markii aan wixii baaqsadiyo, boogta yara daaray
Beentiyo markaan dhagax-dhiggii, boowe kugu diiday
Inaad raalli-bixisaa ekayd, boogahaa jira’e
Bu’dii nuxurka maad taaban iyo, boodday mirirkiiye
Adoon baylahadii awdin baad, birinbirqaysaaye
Markii Bariga loo kacay adaa, Hawd u sii baxaye
Naxli biiray oo baahsan baad, nagu butaacdaaye
Dab baxaaya baansiinku wuu, sii belbeliyaaye
Bulaankaagan eelkiyo dhibtaan, lagu bogsiiyeene
Bahdishaye af Soomaaligii, waad burburisaaye
Intaad burisay eed biisay baa, gaadha boqollaale
Baanaha haddii aad waxqabad, "beegso” tidhi maanta
"Biyo-xidhe waxaa lagaa samayn, buur” adaa yidhiye
Xaajada wixii lagu beddelay, iima soo bixine
Maxaa baajay Kala-gooye iyo, baaqi shalaytoole
Bilo iyo gu’ buuraha ah hortood, bayj adaa furaye
Ballan-qaadki aad naadisaan, baafiyaa weliye
Ummad beer-caddaad dilay shacbigan, beerka ka harraadan
Balligaad u qodayseen maxaa, baajay fulintiisa?
Ma dhaqaalihii baan la bixin, biishtay taladiiye
Mise bidhashadii baad cunteen, gawsku waa bahale
Mise buuqyo kacay baa jiriyo, beelo kugu yoomay?
Baraagaha cirkoo soo da’aa, buuxin idilkoode
Barakiyo Ilaah baa ku ladhi, booyadaa wacane
Baxrashoonka Bilyannada mashruucii ahaa, boobte idilkiiye
Ballaadhkii Hargeysiyo wixii, maal ku baxay oo dhan
Bayaankaaga adigaa ku yidhi, "waa bar-kuma-taal’e”
Bililiqada maad sheegin kii, gooyay bawdada’e
Ficil aan ku beeraqo haddaan, lay bandhigahaynnin
Ballan weeye dhagaxii inaan bohol, ku tuuraaye
Adigoon baxnaaniyo u hayn, daawo lagu baanto
Balag baad u lulaysaa dad aan, beenta kaa geyinne
Billaawuhu wuxuu goynayaa, burucyadaadiiye
Xumboweyne waa kii bakhtiyay, kaad banjariseene
Sideed baaqi uga sii fishaa, waa mashruuc buraye
Baroor iyo warkaagaa la mida, ruux badweyn gelaye
Baranaye macmiil baan u nahay, hayla sii baranne
Buhbahaada naga daa wasiir, haygu sii badinne
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!