Xildhibankeyga Waxan Leeyahey Kuu Maanu Dooran Inaad Facebook…
Xildhibankeyga waxan
leeyahey kuu maanu dooran inaad facebook dhaliilo ma dhaleysa oo golahaaga ku
saabsan noo soo Mariso
Maalinta aad moyarkaaga
Dan kuu gaara aad isku qabataan maaha
Inaad noogu gacan haadiso waxqabad la’aan baa jirta iyo dhaliilo miisaaniyadeed.
waxanu kuu soo
jeedineynaa miisaaniyadan aad ka sheekeynaysaa waa tii aad hadhka cad aad gacanta u taagtey.
Maamulka golaha
deegaankana ilaa imika waxan aaminsanahey in ay shaqada u wadaan sidii uugu
habooneyd isla markaana si mida loogu wada adeego bulshada degan dagmada
gabiley.
Mana jiraan laba
gabiley ee waxa jirta gabiley kaliya horumarkuna si mida ayuu uuga wada socdaa.
Mudane xildhiban Aniga
oo ka mida dadka aad kursiga golaha
deegaanka matalkooda aad ku fadhido nooma muuqdaan balaayo maanta aanu Kaga
cabano Maamulka magaalada gabiley.
Balse adiga waxanu kuu
soo dooraney ilaa maanta noo ma muuqato dhabaheediina ilaa maanta ma heysid.
Hadii cid uun laga
caban Lahaana shacbigii ku soo doortey adiga ayey kaa cabanayaan oo Wali garan
laayihiin ujeedkii ay kuu soo doorteen in aanad fahansaneyn iyo in aad is
yeelyeeleyso
Mudane xildhiban anaga
oo sharaf iyo ixtiraam kuu hayna waxan kuu soo jeedineynaa in aad ku soo
laabato xayndaabkii masuuliyadeed ee aanu kuu soo dooraney.
Allaah mahadleh
Tani waa fariinta
dhabta ah ee dadka aad matelkooda ku fadhidid kursiga golaha deegaanka Gabiley.
Qalinkii Mukhtaar
Sh. Maxamed
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!