Qodista Ceela Shidaalka Ee Somaliland

0
Thursday September 29, 2022 - 10:18:46 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1843
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qodista Ceela Shidaalka Ee Somaliland

    Amb Kaysar Cabdilaahi Maxamed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Amb Kaysar Cabdilaahi Maxamed


Inkasta oo aanan hubin Ceelkan waxa ka soo burqanayaa inay Biyo yihiin iyo inay Saliid yihiin, balse  waxaan hubaa in labada sanadood ee soo socda uu Wajiga dhaqaale iyo ka Siyaasadeed ee Somaliland uu is bedeli doono.



1. Ceelkii u horreeyay ee Shidaalka Somaliland waa la daloolinayaa, dhamaan dhaqaalihii, shaqaalihii waa la diyaariyay, baadhistii guud ee kale hore ayay u dhamaadeen, Ceelka Qodistiisa ayaa la bilaabayaa, dhamaadka Sannadkan ama horraanta Sanadka danbe, wax waliba waa diyaar.


2. Dawlada Itoobiya waxay ka baxday oo ay dhawr usbuuc ka hor cancel garaysay heshiiskii ay kula jirtay Shirkadaha Shiinaha ee qorshahoodu ahaa inay soo saaraan Gaasta Gobolka Soomaalida Itoobiya, sidaaa darteed waxaa burburay dhamaan heshiisyadii la xidhiidhay arrintaas ee ay ka mid ahayd dhuumihii shidaalka ee shiinihu rabay in Jabuuti la mariyo si gaasta iyo shidaalka Kililka Shanaad halkaas looga dhoofiyo.  Imika waxay u badan tahay in Dhuumahaas magaalada Berbera la mariyo maadaama ay arrimahan ku lug leeyihiin Wadamada Maraykanka iyo Imaaraatka oo Somaliland la saaxiib ah. Waxaanay tani hir-geli kartaa Dawlada Somaliland oo dedaal la timaada.


3. Dawlada Maraykanku waxay go’aansatay inay Jamhuuriyada Somaliland wax la qabsato, soona degaan Dalka, Xeebaha Somalilandna ay ka ilaaliyaan quwadaha sharka ee Iiraan, Shiinaha, Ruushka iyo Turkiga. Waxaanay casriyayn doonaan oo qalab, dhaqaale iyo Tababarro culus ay siin doonaan Ciidamada Somaliland ee kala duwan. Somaliland waxay yeellan doontaa xulufo ay ku tiirsanaato..Ama Buur ahow ama Buur ku tiirsanow.


Hadaba si ay Somaliland suxulada uga subkato, oo ay qayrkeed u gaadho una dhaafto, waxaa loo baahan yahay in dhakhso loo soo afjaro khilaafka siyaasadeed ee Dalka ka jira, oo caqabad ku noqonaya arrimahaas aynu soo sheegnay oo dhan.


Xukuumada iyo Xisbiyada Mucaaridka ah waxaa ku waajib ah inay dhakhso u heshiiyaan oo ay ka fikiraan murankoodu inuu halis ku yahay fursadaha qaaliga ah ee Somaliland imika usoo baxay.


Amb Kaysar Cabdilaahi Maxamed

Bristol. UK

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...