Damac Siloonaa Odaygu.

0
Thursday September 29, 2022 - 10:07:56 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 867
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Damac Siloonaa Odaygu.

    W/Q: Abdirisaq Ahmed Egal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Abdirisaq Ahmed Egal


Damaca aadmigu waa mid aan xaduud lahayn, tusaale ahaan fircoon oo kamid ahaa dadkii dunida soo maray ee kibirka iyo islaweynidu madax martay, ilaahnimada ninkii sheegtay ee eebe weyne isku dhereriyey, jeer waa kii damaciisu ahaa Gumaysiga reer bani israel, si uu u hirgaliyo damaciisa doqonimadu weheliso waa kii dadkii uu xukumayey kala qaybiyey qayb uu adoonsaday, caruurtooda gawrac ugu jiiday dumarkiina silciyey oo dhalmada kala dagaalamay.

إِنَّفِرْعَوْنَعَلافِيالأَرْضِوَجَعَلَأَهْلَهَاشِيَعًايَسْتَضْعِفُطَائِفَةًمِّنْهُمْيُذَبِّحُأَبْنَاءَهُمْوَيَسْتَحْيِينِسَاءهُمْإِنَّهُكَانَمِنَالْمُفْسِدِينَ

 

Hadaba damaca aadmiga ee siloon waxa soo afjara doonista eebe weyne, oo ah amarka kaliya ee dunidan ka shaqeeya. Fircoon inkasta oo uu ku taagnaa ficil Qar iska xoornimo ah,  eebe isna wuxu doonay sidan oo ah tii arini kusoo biyo shubatay, eebe si wuxu doonay in dadkii fircoon gumeeyey ee reer bani israel ay noqdaan kuwo Dunida loogu nimceeyey oo ah hoggaamiyayaal ummadeed sidoo kalena eebe wuxu la jeclaaday reer bani israel inay noqdaan kuwo dhaxla Waxkasta oo fircoon ku faanayo.

وَنُرِيدُأَننَّمُنَّعَلَىالَّذِينَاسْتُضْعِفُوافِيالأَرْضِوَنَجْعَلَهُمْأَئِمَّةًوَنَجْعَلَهُمُالْوَارِثِينَ.

 

Hadaba markii aan arkay damaca siloon ee odayga ayey igu soo dhacday saddexdan meeris oo ah fariin iyo dhambaal cad oo odayga loogu sheegayo in damaciisu aanu soconayn wixii November ka dambeeya waxaan idhi;

 

-Dallow dheer hadaad ka tuurtiyo hadaad dagaal ku kicinayso

-Ummad kala durugtiyo hadaad colaad ugu dabqaadayso

-Damacaagu walee inaanu soconayn noofo dabadeed.

 

W/Q: Abdirisaq Ahmed Egal


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...