Xigmadba Odhanaysa, Heel Dagaal Kama Hayso, Qof Haddaanu xishoone, Xildhibaano Ka Quusta.
Bismilaahi Alraxmaan Alraxiim [A.S.C.W.R.W.B],
Tu khaas ahna bahda H/W iyo akhristayaasha.
XEER DAD AANU XIDHAYNIN,XAQDHWORAYNIN DISTOOR.
XAWAYAANKA MA DHAAMO,XILDHIBAAN CUSUB BAANAD,
XALAYTO DHAARINAYSEENE,XANSASKEENII HOREETAABA,
XAGGNAYNO WADI WAAYAYE,KA XISHOODA DADKEENAN,
XABAASHOOD QODMIMAYSE,XILDHIBAANO HA DHAARIN,
XOOGSATAAN DHERGAHAYN,XARAANTII U XALAALTAYON,
XURMAYNAYN SHACABKOODA,XUKUMADUN U ADEEGOON,
XAQEENA HOOSBA U EEGGIN,XABSIGA KU WANAAGSANO,
XUSULADAY KU SITAANBA,XADHKAHII XIDH XIDHAAYAYE,
XUKUUMADII QABANLAYD BAAN,XISBIGEEDII LA DOORAN,
XAQASE WAA MA HABSAAMEE,XERADEENUU KU JIRAAYO,
XAASILKA WAAN HELAYNAAYE,XAKAMEEYUN NAFAHIINAN,
Ismail Abdillahi Handuleh.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!