Wasiir Maxamed Midbaan leeyahay Madaxweyne Muuse Midbaan leeyahay Reer Gebilay-na Midbaan leeyahay.
Madaxweyne Muuse
Midbaan leeyahay.
Waa qayb daba
dhuunyaalaynaysa oo ku xidhiidhsan qormadii hore, waana qoraal si kooban oo
dulxaadis ah aan uga faalloonaayo, dhacdadii 11-08-2022 iyo arimaha ku gadaaman
iyo qaabkii madaxweyne Mudane Muuse Biixi uu uga faalooday ama uga
fikirceliyey,
Hadaba Mudane
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waa Madaxweynihii Shanaad ee Jamhuuriyada
barakaysan waana Madaxweynihii Labaad ee Xisbiga Qaran ee kulmiye waxaana u
Qori dhiibay Ruugcadaagii siyaasiga weyn ahaa Illaahay Cimri dheer iyo
caafimaad taam ah hasiiyee Mudane Axmed Maxamed Maxamuud 'Siilaanyo',
Mudane Madaxweyne Muuse
isaga Sidii godolkii hore Hadhuubkii lagu dhiijiyey loogu dhiibay ee gaaxdii
danbana gaawe mugweyn oo xoorku guudmaray loo gacan geliyey, sidiibuu weli
Hadhuubkii iyo gaawihii gacmihiisa ugu wada jiraan, waxaynu lasoconay Maalintii
uu xilka Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye uu Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo
oogada u saaray ee uu ku wareejiyey, iyadoon ciddi kula tartamin ayaa Mudane
Muuse Biixi Cabdi laga hayaa Guud xil-qaad leh ayaan leeyahay, Maxaa yeelay
Mudane Axmed Siilaanyo ayaa ii Gaaso-bixiyey ama ii Geeso-bixiyey, sidaa
odhaah udhigan ayuu Mudane Muuse Golahaa
ka sheegay uu xilka Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Duudka ugu ridanaayey, Hadana waxa la ogaa ciddii ugu horaysay ee uu, u
Fidhay ama isagoo Fidhanaaya uu Geesaha ku jeediyey wayrax-cartan, uu ahaa
Mudane Axmed Siilaanyo oo uu horana ugu Baanay inuu Barrihiisa ahaa
Tab-Siyaasad Barray, Sidaa awadeed Mudane Madaxweyne Muuse Biixi Xillalka uu
SIDO in Faras inta loo heenseeyo oo shalmada iyo Kooraha loo raaciyo Qobtol,
karbaash iyo Abjad la Yoonbeeyo oo kor oo kornow oo jaraha hay! oo weligaa xilka
sid oo Waxaad doonto Mudane Madaxweyne yeel in loogu heeso mooyaane malaha
gacan nebi nin doonow gacantaadu ha socoto ee Mudane keen majarafada!, Maxaa
yeeley waxbarku waa dhalinyaranimada, qofwayni waa Dhiil buuxsamay oo wax qaad
u hadhin, waana ta Mudane Muuse ugu Dux iyo Dayasho mariwayday Hab-dhaqankii
Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, se uu u Sansaan eekaaday Barrihii Gardaadiyey
ee Garaadada ku tolay ee dhallaan-nimadii Kacaamiyey, waxaynu ka dheehan
karaynaa habdhaqankaa Kacaamiyey, 18-May iyo 21-Oktoobar siday iskugu
Dabaal-deg eekaadeen ee Ummadii yar iyo Wayn, Askar iyo Shicib ay u wada
gaardiyayaan ee oob-jac Oobjac u wada leeyihiin, iyo sida kaarayaasha iyo
dabaabadaha siddaynu nahay kuwii sameeyey dariiqyada xayeysiinta loosoo
marinaayo ee Dadka qiiqooda iyo guuxooda kullaala la leeyahay, Sidoo kale
wadanka oo wadooyin u baahan oo bacaad-celin u baahan oo Sii nabaad-guuraya, oo
Dhireen u baahan halkii xooga dihin ee dhalinyarta dalkooda looga faa'iiday
lahaa ayaa shaqo-qaran tii Kacaanka iyo ceel-jaale ku ciyaarsiin lagu dhabar
jebiyaa Dhalintii iyo muruqii dihnaa ee Dalka u barbaaray, waxa iyana jirtay
dhawaan Markii Xisbiyada qaranka Jamhuuriyada barakaysan murankan u dhitaysani
saaqay, intii Guddi ee ladqabeen iyo waanwaanta waday ee Guurti, Wakiilo,
Wadaado, wax-garad, Madax-Dhaqameed iyo Ganacsatada lahaa ee idilkood
waji-gabax kala soo Hulleelay markay kulamada la qaateen Mudane Muuse Biixi
ayeynu ogayn, Ana Hadeer wax u sheegi maayo ileen Timirtii horaba dab loowaa
weeye wax sheegiiye, se waxa iga waydiin ah, 11-8-2022 Iskusoo bixii salmiga
ahaa ee ka qabsoomay Gobolada Dalka ee Ummaddii daroonkooda cabiraayey loogu
gaystay Dhibta, Dhaawaca iyo Qudh-gooyada oo Jeel haween ku Dhaabkuna dheeraa.
Ugu Horayn Waan canbaaraynayaa sidii Muwaadiniintaa Booliska qaranku ula dhaqmay ee dilka iyo
Dhaawaca ugu gaystay waana wax laga xumaado in Qarnigii 21aad amar la bixiyo
hagardaamo iyo dil loogu gaysanaayo shacab qaran oo dareenkooda cabiraaya,
Waxa se wax aad looga
xumaado ah in Madaxweynihii qaranka Jamhuuriyada barakaysani uu uga falceliyo
si ay shacabka Jamhuuriyada barakaysan yihiin gaalo ka hadheen in uu Mudane Muuse
Biixi ku tiraabo Af Runtii ahayn Af Madaxweyne iskadaa aan ahayn Af Waayeel lab
ah kasoo yeedha!, waayo Mudane Madaxweynuhu wuu ogaa in ay Xisbiyo qaran ruqsad
dalbadeen si ay u muujiyaan dareenkooda ku aadan waxa ay tabanayaan
taageerayaasha Xisbiyada qaran iyo Madaxdoodu, marnaba may ahayn arin ka
dhexeeya shacabka Jamhuuriyada barakaysan oo isku mudaharaadaya, se waxa uu
Mudane Madaxweyne Muuse yidhi shacab ayaa ISKAROGOOYIN Dhagaxaan ah wadooyinka
ku rogay shacab kale oo ku lidi ahina dhagaxaanta marka la rogoba iyana wey
gurayeen!, Waa weedhihii Afka Mudane Madaxweyne Muuse kasoo baxay! Oo aan
badhxanayn ayey ahaayeen erayadaasi!, ma shacabka qaranka Jamhuuriyada
barakaysan ayaa Mudane Madaxweyne isku mudaharaadaya? Mise Xisbiyo qaran oo ka
biyo diidsan xukuumada ayaa dareenkooda cabiraayey?, iyana waxa lawada arkaayey
ama sawirada-socda ama maqal iyo muuqaal ee dhacdadaa laga duubay lagu arkay
Ciidamadii amaanka ama boolirkii oo inta ay Dhagaxaan gurtaan shacabka ku
tuurayey iskadaa rasaasta Nool iyo ta Caaga ah!, Aduunka lama arag Askar la
shiido oo shacab shiido oo ka gaashaanta mooyaane Askar iyagu shacabkii intay
Dhagaxaan gurtaan ku tuuraya!, Waa arin argagax leh oo ka dhigaysa askarta
Jamhuuriyada barakaysan inay yihiin ciyaal Xaafad dirays lootolay.
Mudane Madaxweyne
Iskusoo baxii Xisbiyada qaran soo gudbiyeen inay qabanayaan 11-08-2022 waatii
Xukuumadu u qoondaysay goobaha wax la isla ogaana wey ahayd in taageerayaasha
Xisbiyada qaran Saddex meelood Laba meelood ⅔ay Iskusoo baxayaan ama aqlabiyada taageerayaasha qaran, waana laga war hayey
habeenimadiina goor danbe ayuu Wasiirka arimaha gudaha Jamhuuriyada Barakaysan
Mudane Maxamed Kaahin shir uu qabtay uu sheegay in argagixiso la qabtay mashaqo
maleegaysa!, hadana subaxnimadii markii shacabkii xadiga weynaa ee dareenkooda
muujinaayey iskusoo baxeen waxa la jaray ISGAADHSIINTII ama Tilifoonadii
Dalka!, Mudane Madaxweyne Waayo ayaa war isgaadhsiintii Dalka loo jaray iyada
oo Xukuumadu ka war hayso in shacab tiro badani Iskusoo baxayaan oo u baahanayaan
iska War hayn qoysaskooda iyo hadii ay u baahdaan si'allaaba badane Caafimaad
degdeg ah si ay ula xidhiidhaan goobaha caafimaadka ama dhooli u dalbadaan
Maxaa tilifoonadii hawada looga saaray?. Waxa la sii sheegay ama Mudane
Madaxweyne xukuumadaadu sheegtay in Dalka siiba Caasimada argagixiso soo Gashay
oo badh la qabtay, marka sidaa Xukuumadu sii tabisay, miyeyna ahayn in shacabka
dareenkooda muujinaaya loogu talogalay in argagixisadu hadii ay jirto inay
xasuuqdo in ladoonaayey!? Waayo goor habeen ah dad lagu yidhi bahal ayaa guriga
soo galay hadana leedhkii dadkii laga bakhtiiyo ama demiyo soo wax loo
badheedhay maaha in dadkaa Bahalkaasi
cuno?, war isgaadhsiintaa hawada laga saaray iyada oo layidhi argagixiso ayaa
inasoo Gashay weeye dad Bahal Gudcur daguugan loo ooday.
Hadal iyo dhamaan
Mudane Madaxweyne Muuse Midbaan leeyahay 11-08-2022 wixii Dalka ka dhacay waa
arin aan la ilaawi doonin, Haduu ilaahay ku Cimriyana Mar inta laguu Golleeyo
ka eedbax Mudane lagu odhan doono weeye, Sidoo kale Mudane Madaxweyne mudada
aad igmantahay wixii Dalka ka dhaca ee wanaag ah adigaa ku amaanan, wixii dhib
ah ee Dalka ka dhacana adigaa eedeeda leh, taariikhduna wax la qorto maaha ee
iyadaa is-Qorta ee Mudane Madaxweyne Muuse Biixi Cabdow taa Ogow.
Dhagihii Alle Waansho
ayaa Waansan.
Fu’ad Fartaag
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!