Baaq Taageero Ah Shirka Walaaleeye.
Anagoo Ah Dhalinyarada Qaaradda Yurub Ee Beelweynta Habar Jeclo, Waxaanu Baaq Iyo Taageero Uduraynaa Shirka ( Walaaleeye) Ee Dhawaan Ay Isugu Imandoonaan Beelaha Garxajis Iyo Habar Jeclo, Baaqaas Oo Kusocda Dhalinayarada Labada Beelood, Waxaanu Madax Dhaqameedka Beesha Habar Jeclo Ugubaaqaynaa Inay Shirkaas Gogoshiisa Dhigaan Oo Isudiyaariyaan Qabashadiisa Iyo Walaalaynta Labadan Beelood Walaalaha Ah Ee Siyaasiyiinta Munaafiqiinta Ahi Kala Ilaalinayeen Ilaa 1991 Intii Kadanbeysey Ilaamaanta, Anaguna Hiil Iyo Hooba Waanu Labar Bartaaganahay Waayo Waadadka Aanaan Saacad Kalamaarmin Ee Ilaa Sanaag, Sool, Saraar, Saaxil, Togdheer, Iyo Kililka Shanaad Intaba Aanay Jirin Waxnoo Kalasoocani, Sidookale Waxaanu Dhalinyarada Beesha Garxajis Ugubaaqaynaa Inay Dhinacooda Kashaqeeyaan Sidii Uu Kuqabsoomilahaa ( Shirka Walaaleeye ) Hadii Ilaahay Aqbalo . Afeef Waxaanu Ummadda Reer Somaliland U Caddaynaynaa Inaanu Shairkani Ahayn Mid Waxyeelaya Qaranka Somaliland Iyo Cidkale Toonna Inuu Siiwanaajiyo Mooyaane. Wabilaahi Tawfiiq .
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!