Wararkii Ugu Dambeeyay Khilaafka Ka Dhextaagan Baarlamaanka Somaliland

0
Wednesday September 28, 2022 - 17:18:30 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2730
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararkii Ugu Dambeeyay Khilaafka Ka Dhextaagan Baarlamaanka Somaliland

    "Waxaanu intaa raaciyay in xeer ka golaha wakiilada khlaafka geliyay"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxaanu intaa raaciyay in xeer ka golaha wakiilada khlaafka geliyay"


Hargeysa - Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed,ayaa isku khilaafsan sharciyadda xeer golaha wakiiladu Guurtida u gudbiyay oo golaha Guurtiduna dib ugu celiyay golaha wakiilada.

 

Guddoomiyaha Guurtida,ayaa sheegay in xeerka golaha wakiiladu usoo gudbiyay ee uu dib ugu celiyay uu yahay xeer wakiilada khlaaf ka dhex dhaliyay isla markaana ay 46 mudane oo wakiiada ka tirsani ay dacwad uga soo gudbiyeen isla xeerkaas oo ay sheegeen in aanu sharci ahayn golahana sharci kaga soo bixn loona baahan yahay in Guurtidu ay dib ugu soo celiso.

 

Waxaanu intaa raaciyay in xeer ka golaha wakiilada khlaafka geliyay in uu golaha guurtida u hor geyn waayay si aan guurtidana khilaaf uga dhex,qarxin go,aan sadayna in uu golihii uu ka soo baxay dib gu celiyo isla markaana xeer ay ku midaysan yihiin ay golaha usoo gudbiyaan,waxaanu guddoomiyaha golaha wakiiada usoo jeediyay in uu golhiisa midooyo midnimona uu ku hoogaamiyo.

 

Dhinaca kale Guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland Cabdirsaaq Khaliif Axmed,ayaa dhankiisa sheegay in dib usoo celinta xeerka ee guurtidu soo celisay in aanay sharciga waafaqsanayn waxaanu guddoomiye Saleebaan usoo jeediyay in uu xeerka goleweynaha horgeeyo oo ay waajibkooda ka gutaan.

 

Guddoomiyaha golaha guurtida oo ka hadlayay xeerka ay wakiilada dib ugu celiyeen,ayaa  yidhi."Laba gole oo murmay haddana isku gole ahi ma qurux badna, muranku meesha kuma jiro, golahaasi ayaa hadda muran ka jira ee inta aanu kanna dhexgalin in si wanaagsan ay u dhammeystaan ayaa qurux badan, guddoomiyahooduna ku hoggaamiyo labada dhinacna isu soo dhawaadaan, markay wax isla gaadhaan ee ay heshiiyaan ayay qurux badan tahay in aanu anaguna gudda galo.

 

Wax laga warwaraa ma jiraan bulshada warwarka ka daaya, haddii khilaaf jirana waa laga heshiinayaa,”

Guddoomiye Saleebaan oo ka hadlayay sababta gulaha guurtida uu u hor geyn waayay xeerka wakiiladu usoo gudbiyeen,ayaa yidhi.."Golahayaga waxaan u horgayn waayay mar haddii golihii wakiilladu ay isku khilaafeen, oo 46 mudanena ay noo soo qoreen waraaq codsi ah oo yidhi ‘ma soo marin nidaamkii, raalina kama nihin, marka anigu labada gole in markaliya khilaaf kawada dhex abuurmo diyaar uma ahi”

 

Geesta kale waxa uu sheegay in ay muddo kordhin ay sameynayaan mar haddii ay guddidii doorashooyinku caddeeyeen in aanay doorashadii wakhtigeedii ku qaban karin.

 

Waxaanu yidhi."Mar haddii ay guddidu doorashooyinku caddeeyeen in aan doorashada wakhtigi u cayinnaa ay yidhaaheen kuma    qaban karno, wixii hadhay waa muda kordhin uun”

 

Waxaa isna dhankiisa farrin u diray Guddoomiyaha Guurtida Guddoomiyaha Golaha wakiida Cabdirisaaq Khaliif oo sheegay in aanay sharci ahayn dib usoo celinta xeerka ay golaha guurida u gudbiyeen,waxaanu yidhi."Mudane guddoomiye waxan kusoo jeedinayaa adiga oo ixtiraamaya dastuurka iyo xeer hoosaadka golaha guurtida, in xeerarkan golaha wakiiladu wax ka badalka iyo kaabista ku sameeyay aad hor dhigto gole waynaha si ay waajib kooda dastuuriga ah uga gutaan" 

 

Shirguddoonka golaha guurtida ayaa Isniintii golaha wakiilada dib ugu soo celiyay xeerarka kala ah, Xeerka Guud ee Doorashooyinka Somaliland Xeer Lr 91/2022 iyo Xeerka Nidaamka Urrurada iyo Axsaabta Siyaasada ee Xeer Lr 14/2011.

 

Xeerka labada guddoomiye isku khilaafsan yihiin ayaa ah xeer ay ka soo horjeedaan aqlabiyada golaha wakiiladu isla markaana aan laga doodin hannaanka uu golaha kaga gudbayna uu  ahaa mid ka gaadhsiis ah oo lala dhuumanayay sida ay ku doodayaan 46 mudane oo xeerkaa sharciniadiisa diiddan kana soo hor jeeda qaabka loo maray ansixintiisana ku sifeeyay hab gole kala baxsi ah.


Loading...
Loading...