Cali Guray Oo Ka Hadlay Saamaynta Ururka KAAH Ku Leeyahay KULMIYE

0
Wednesday September 28, 2022 - 17:00:42 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 3117
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cali Guray Oo Ka Hadlay Saamaynta Ururka KAAH Ku Leeyahay KULMIYE

    Maxamuud Xaash Hadii Aan Maddane Dab Ugu Jirin Kulmiye Waa Loo Yaabaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxamuud Xaash Hadii Aan Maddane Dab Ugu Jirin Kulmiye Waa Loo Yaabaa


Hargays a(HWN) Siyaasi Cali Guray ayaa sheegay in ururka KAAH Iyo KULMIYE aanay usoo wada gudbi karin Xisbiyo, sida uu ku sheegay qoraal uu baahiyay siyaasigu oo u uqornaa sidan:-



In kasta oo Maxamuud Xaashi iyo madxwaynuhu ay meel uga soo wada jeedaan labada mooshin ee Golaha Wakiiladu uu gudbiyay bartii ay ku kala baydhayeen way dhawdahay waayo ugu dambaysta ururka Maxamuud iyo Xisbiga kulmiye in inta ay tartan ka wada qayb galaan aanay u wada gudbi karin laba xisbi qaran waa la garan karaa, waayo taageerayaasha Maxamuud Xaashi ee ugu tirada badani waxay ka go’ayaan taageerayaasha Kulmiye. Hadii ay tartanka ka wada qayb galaan laba ayuun baa laga fili karaa. In labada uu mudna soo baxo midna dhaco iyo in ay laduba isla dhacaan.

 

Hadii Muuse iyo Maxamuud ta ay heshiiska ku yihiinba loo raaco oo doorashada xisbiyada/ururada la soo hormariyo waa maxay Muuse iyo xisbiga faaiidada ugu jirta in taageerayaashii uu waax dhan Maxamuud Xaashi la go’o ilayn hadda ayaabu ka dareersaday kaadarkii kulmiye ugu mudnaa ee Golaha Dhexe ku jiray eh. Ta kale hadda ayaabay muuqataa ururka ugu fadalo cadcad 15ka urur uu yahay ka maxamuud xaashi.

 

Dagaalkii Kulmiye iyo Kaah waxan filayaa in uu taagan yahay oo hadii ururka Kaah uu maraladdan ka soo gudbo Kulmiye wax uu yaalaa ma jiro waayo meel dambe oo Kaah lagu  qaban karaa ma jirto tartankana wuu ka qayb geli doonaa. Sidaa daraadeed Kulmiye dani uguma jirto soo hormarinta doorashada ururada waayo wuxu halis u yahay in uu saaxadda ka baxo kana hadho doorashada madaxtooyada, ururka Kaah ama ha soo baxo ama yaanu soo bixin eh. Hadii labada dooraaho mar la wada qabto ama doorashada madaxtooyadu soo horayso ayuun baa la hubaa in Kulmiye iyo labada xisbi ee mucaaridku ay ku tartami doonaan doorashada madaxtooyada. Taasina waa ta madaxwayne Muuse ka dagaalamayo.


Xisbiga WADDANI xataa hadii ay doorashada ururadu soo horayso iska daa 4 gobol eh waxan qiyaasayaa in ugu yaraan 5 gobol uu ka heli karo mid walba 20% iyo ka badan. Gobolka lixaadna waa SOOL oo laftiisa aan filayo in aanu ka waayi karayn 20%.


Hada waa aniga qiyaastayda oo Gaboose noqon maayo Maxamuud Xaashi Waddanina Kulmiye noqon maayo ee waa cidiyo ku dagaalan


CALIGUREY

HALGANWATCH

Loading...
Loading...