Itoobiya Oo 11 Madfac Ku Soo Dhawaysay Madaxwaynaha Somaliya
Addis-ababa, Sebteembar
28, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh
Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho rasmi ah oo qaadanaysan Labo
maalmood ay ugu bilaabatay dalka Itoobiya ayaa soo dhaweynta ugu sarreysay ee
dalkaani ay u sameeyaan Madaxda waxaa lagu mamaausay isaga iyo wafdigiisa.
Madaxweynaha iyo
wafdigiisa ayaa waxaa si diirran ugu soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha ee
Addis Ababa Bole International Airport, Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya
Mudane Abiy Axmed, xubno ka tirsan Golaha Wasiirradiisa, Saraakiil iyo cutubyo
ka tirsan baambayda dalkaas oo salaan sharaf ku maamuusay soo dhaweynta Madaxweynaha,
halka loo riday 11 madfac oo ka tarjumaya maqaamka sare ee lagu qaabilay
wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaare Abiy
Axmed ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
ajiibidda casuumaadda uu u fidiyey iyo booqashadan muhiimka ah, halka
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu uga mahadceliyey Dowladda iyo shacabka
dalka Itoobiya soo dhaweynta diirran iyo martiqaadka heerka sare ah ee ay ku
maamuuseen isaga iyo wafdigiisa.
Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa socdaal ku maray dhammaan dalalka
dariska la ah dalkeenna iyo guud ahaan Gobolka, si uu xoojiyo xiriirka iyo
doorka diblumaasiyadda dalkeenna, loona xaqiijiyo Soomaali heshiis la ah
dariskeeda, saaxiibna la ah cid kasta oo ay danwadaag yihiin.
DHAMMAAD