Boqortooyada Haweenka: Bulsho Aan Ninku Waligii Madax Ka Noqon!
Bulshadani waa Qayb ka
mid ah qowmiyadda Shiinaha ee lagu magacaabo Naxi, oo tiradooda lagu qiyaasay
25,000
Taariikhda bulshada
Mouso waxa ay soo taxnayd muddo 2,000 oo sano, waxaana ay degan yihiin daafaha
" harada Lugu " ee u dhaxaysa Deegaanada Yunnan iyo Sichuan ee gobolka Tibet.
Qaab dhismeedka
bulshadani waxa uu ku salaysan yahay nidaamka Matriashi, oo ah in haweenka
bulshadan ka mid ah ay qabtaan dhammaan doorarka asaasiga ah ee bulshada sida
hoggaanka siyaasadda, sharciga iyo garsoorka iyo mansabyada gobolka.
Xagga maamulka qoyska,
gabadhu waa mulkiilaha iyo maamulaha dhamaan hawlaha qoyska iyadaana looga
danbeeyay arrin kasta.
Bulshadan Ninka waa la xaqiray maadaama aanu qabiilka guurba
ka jirin, sidaas darteedna kuma jirto
luqadooda erayga ah Nin, Aabe, soddog, Adeer midna , xataa qaamuuskooda kuma
jirto
Bulshadan raggu waxa ay
la nool yihiin hooyadood, hadduu gabadh damco oo uu jeclaado, habeenkii ayuu
soo booqanyaa haddii ay ogolato, subaxdiina wuxuu ku noqonya gurigii hooyadii.
Hadafka noocan ahi waa
in laga tanaasulo dareen kasta oo ka dhexeeya lab iyo dheddig ee ka dhalan kara
xidhiidhka lammaanaha.
Taasi oo keenaysa in
dareenka dumarku debco oo daciifo ka dibna ay si fudud talada iyo xukunka ay
raggu ula wareegaan.
Bulshadam, abtirsiinta
carruurta waxa ay raacdaa hooyadood, ninkuse carruurtiisa waxba ka garan maayo,
wax door ahna kuma laha noloshooda, xaqna umaba laha in uu ka hadlo, waayo maba
yaqaano.
Kuma jiro eray aabbe
luqadooda, Marka gabadhu uur yeelato
waxay jeceshahay in ay gabadh dhalaan si ay u sii wadaan abtirsiinta qoyska,
waxaana ay aad u murugootaa haddii ay wiil dhasho.
Marka ay gabadhu
dhimato Labka bulshadani waxba kama dhaxlo, maal iyo mood midna , waxaana iska
wada leh hablaha ay dhashay hooyada dhimatay, wiilsheedana waxba kuma laha.
Maadaama ay
hooyadu gacanta ku hayso bulshadan, ma
jiro khilaaf soo jireen ah oo dhexeeya sodohda iyo gabadha, arrimaha dhaxalka
iyo dhibaatooyinka furriinka, sidoo kale ma jirin dambiyo ay ka mid yihiin
faraxumaynta, kufsiga, iyo rabshadaha qoyska mar haddaanu ninku saamaynba ku
lahayn bulshadan.
Dhinac dhaqaalaha iyo
goobta shaqada iyo wax soo saarka, haweeneyda Mosuo waa midda ilaalisa ee
masuulka ka ah arrimaha qoyskeeda.
Waxa ay adegsadaan
xirfado kala duwan, gaar ahaan falashada beeraha, tolida dharka, kuwaas oo lagu
yaqaan Islaamaha da’da oo isticmaalaya loox-dhaqameedka ah si ay u sameeyaan
dharka.
Mudada uu ninku joogo
guriga hooyadii ayuu shaqada guriga u qabta, barbaarinta caruurta ka yaryar iyo
ilaalinta iyo daryeelka hooyadii haddii ay da’ weyn tahay. Waxa kale oo ay
raggu isku mashquuliyaan in ay turub ciyaaraan si ay wakhtiga isu dhaafiyaan.
Dadka reer Moso waxay
ku hadlaan luqaddii ugu dambeysa ee hieroglyphic ee calamka oo lagu magacaabo
Dongba.
Bulshaa Moso waxa ay
leedahay arriimo kale oo aan caadi ahayn oo la yaab leh sida: Bulshadani ma
cunto hilibka Eyda sida bulshada kale ee Shiinaha, waana arin mamnuuc ka
ah. Sababtuna waa iyaga oo aaminsan in
uu yahay xubin qoyska ka mid ah.
Marka uu dhinto qof
kasta oo ka mid ah bulshada Mosuo, waxaa la dhigayaa xabaasha oo dhexda laga
qoday, isagoo aaminsan in uu mar kale dhalan doono, waxa kale oo la raacinayaa
dhammaan hantidiisa gaarka u ahayd sida dharkiisa , kabihiisa iwm. Intaasi ka dibna waa la gubayaa. Sour:
theguardian.com/ (Diyaarinta : Axmed Adam Haybe)
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!