Khayraadka Badda Iyo Faa'iidooyinka Ay Bani'aadamka U Leeyihiin Cunto Ahaan
Badduhu maaha kuwo kala
go’an ee waa badweyn qudha, oo
qeybaheeda kala duwan loo bixiyay magacyo kala duwan, sida :
Badweynta Hindiya
Badweynta Atlaantikada
Badweynta Baasifikada
Badweynta Artikada
Baddahani waxay inaga
xigaan afarta jiho, oo kala ah:-
Bari
Koonfur
Galbeed iyo
Waqooyi
Badduhu waxay ka
abuurmeen duufaantii lagu halaagay qoomkii Nebi Nuux ee la odhan jiray reer
binu Rasiis, kadib markii laga quustay inay nabigii loo diray ee Nuux (Cs)
rumeeyaan, sida ahlu siiruhu sheegayaan, waana biyihii ka soo burqaday samada,
balse dhulka waxaa la amray inuu liqo biyihiisa, waxaana la tilmaamay in biyuhu
weli muuqato cadhada ay u qabaan qoomkii loo soo diray.
Sidoo kale, badduhu
waxay u leeyihiin nolosha dunnida, gaar ahaan nolosha bani’aadamka, oo ay u
yihiin marin ama waddo lagu safro marka
la isagu gudbayo dunnida daafaheeda.
Baddaha waxaa laga
helaa, cunto iyo kheyraad kale sida macdan iyo shidaal.
Baddaha ka
faa’iideysigoodu wuxuu u baahnan yahay aqoon iyo qalab casri ah oo lagu soo
saaro kheyraadka kala duwan ee ku jira.
Marka uu qofku aanu
xidhneyn qalabka maquurashada, wuxuu biyaha ku dhex jiri kara laba ilaa saddex
daqiiqo, mana gaadhi karo meel fog ama qoto dheer.
Hase yeeshee, waxay
isticmaalaan saynisyahannadu qalab ka caawiya qofka maquurashada badda, oo u
oggollaanaya in uu gaadho meelqoto dheer, muddo dheerna ku jiri karo badda
gunteeda, si ay waxyaabo badan u soo arkaan, oo aqoon uga soo
korodhsadaan.qalabka maquurashada waxa ka mid ah mid qofka u suura gelinaya
inuu gaadho meel qotadeedu gaadheyso ilaa 250 fuudh, qalabkani wuxuu ka kooban
yahay laba taangi oo soo gaadha qofka maquuranaya, qofku waxa kale oo uu xidhaa
muraayad ballaadhan, oo si wanaagsan uu wax uga arki karo biyaha dhexdooda,
ragga maquurtaa waxa kale oo ay xidhaan kabo af ballaadhan, oo usuuro-gelinaya
inay si howl yar oo dhakhso leh u dabaashaan, Haddii ay qabow tahayy ama meel
dheer gaadhayo, waxay xidhaan lebis rabadh ah ama gudmo ah oo dhaxanta ka
celinaya.
Inkastoo qalabka
maquurashadu uu qofka dabaalyahanka ah u suura gelinayo inuu muddo dheer badda
dhexdeeda ku jiro, haddana maaha muquurashadu wax sahlan sida loo maleynayo.
Mawjadaha hirarka baddu,
waa biyo socda oo sida kuwa togagga u dhex mara badweynta, qaar wey qabow
yihiin, qaarna way diiran yihiin marka loo eego biyaha badweynta ay dhex
marayaan.
Tamarta ay u socdaan
waxaa la sheegay inay ka helaan qorraxda iyo dabeysha.
Dadka xeebaha deggani
waxay arkeen in 24-kii saacba laba jeer baddu soo buuxsanto, laba jeerna
caarido, heerka buuxa iyo caariga ee ay gaadhaan kala duwan yahay heerkii
shalay uu gaadhay buuxu ma gaadho maanta.
Sidoo kale, caariguna
ma gaadho maanta heerkii shalay uu gaadhay.
Dadka xeebaha deggani
waxay arkaan in labadii toddobaadba mar uu gaadho buuxa iyo caarigu heerkii ugu
sarreeyay iyo heerkii ugu hooseeyay waxayna ku sheegeen inuu yahay marka dayaxu dhan yahay afar iyo tobanka.
Baddu waxay tahay,
degaan aad ugu haboon nolosha noolaha, waxay leedahay macdan badan, heerkul
haboon iyo hawo ku Milan biyaha, taasina waxay suurta gelineysaa inay badda ku
noolaadaan noole tiro badan oo kale jaad jaad ah oo dhir iyo xayawaanba leh.
Dhirta iyo xayawaanka
badda ku nool badankooda, waxa laga helaa caariga agtiisa iyo badda
hareeraheeda iyo inteeda sare, Sidoo kale, badhtamaha iyo gunta badda, waa laga
heli karaa dhir iyo xayawaanno badan oo aan u ekeyn kuwa ku nool badda inteeda
sare.
Badda inteeda sare,
waxaa ku nool nooleyaal fara badan oo isugu jira dhir iyo xayawaan aadna u
yaryar, oo badankoodana indhaha oo qaawan aan lagu arki karin, waxaana guud
ahaan lagu magacaabaa (Sacaaf) noolahani malaha awood uu ku dabaasho, waxay
raacaan hirarka maayada badda, kuwaasoo hadba meel geeya.
Noolahani, xagga qaabka
aad ayey u kala geddisan yihiin, oo qaarkood waxay u egyihiin bil, qaarna sida
kubadda , kuwo kalena way dhuu-dhuuban yihiin ama isku xidhiidhsan yihiin.
Sidaa iyo si le’eg ayuu
xajmigoodu u kala duwan yahay, qaar aad u yar-yar, kuwo dirxiga le’eg iyo kuwo
kalluun ballaadhan ah.
Noolaha waaweyn ee
badda, waxay dhammaantood cuntada ka helaan Sacaafka biyaha badda inteeda sare
ku nool, qaar si toos ah ayey u cunaan Sacaafka laftiisa, kuwa kalena waxay
cunaan xayaawaanka iyaga cuna sacaafka, tusaale- kalluunka yar-yari wuxuu cunto
u yahay kalluunka waaweyn oo uu ku jiro Nibirigu.
Baddu
waa keyd Cunto:
Marka laga soo billaabo
waqtiyadii hore, dadku wuu qabsan jiray oo cuni jiray kalluunka iyo noolaha
kaleba ee badda laga helo.
Waqtigan casriga ee
maanta waxa la ogaaday waxtarka iyo kheyraadka kala duwan ee badda ku jirta,
waxaa la helay qalab casri ah oo shalay aan lahayn oo ka faa’iideysiga badda ah
oo markii hore ku bilaabmay ku safridda iyo isugu gudbidda qaarad illaa ka
qaarad kale iyo ganacsiga maraakiibta, waxaa la sameeyay Maraakiib warshado
kalluunka jillaaba, warshadeeyana, waxaanay dunnidu maanta tartan ugu jirtaa ka
faa’iideysiga badda.
Badduhu, waxay yeesheen
qiimo ka duwan berriga oo waxay ku dhowdahay in dagaal caalami ahi ku dhexmaro
dawladdaha waaweyn.
Biyaha dhanaan ee
badda, waxaa laga soo saari karaa biyo
macaan oo la cabo, dalal badan oo caalamka ka mid ah ayaa sameeyay inay badda
biyo macaan ka soo saaraan.
Haddaba, waxtarka badda
iyo kheyraadka ku jira ee maanta la ogyahay maaha mid la soo koobi karo, iyadoo
dunnidu tartan xoog leh ugu jirto, balse dadkii xoog iyo qalab leh ayaa ka
faa’iideysan kara oo waa is-barbaryaac oo la isku-dilayaa.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!