Waa La Soo Saarey Si Ay Umadu?

0
Tuesday June 11, 2019 - 09:43:33 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 968
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa La Soo Saarey Si Ay Umadu?

    Asalaamu calaykum wa raxmatu laahi wabaraakutuh.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Asalaamu calaykum wa raxmatu laahi wabaraakutuh.
Umada waliba marka ay rajadu ka dhamaato,hadana waxaad arkaysaa rag wanaagsan oo dadka rajadooda  u soo nooleeya,somaliland maanta waxay u baahan tahay waa distoorkii aynu u codeynay in dib loogu soo noqdo,sharciyada  badan ee inaga qabyada ah la dhamaystiro,marka aad aragto sida ay u dhaqmayaan axsaabtii aynu dooraney,waxaad arkaysaa inuu midba kan kale ka sii daran yahay,heshiisna ku yihiin sidii ay qarankan wax aan dantiisa ahayn uga shaqeyn lahayeen,waxaad arkaysa golayaashi qarankan loo doortay,oo yagiina heshiis ku ah in ay inala sugayaan meel aan waligeed hagaagayn,xisbiga kulmiye oo uu ka faracmay xisbiga wadani  kuna raacay faysal cali waraabe (oo isagu shakhsi ah ee aan ahaynba xisbi) waxay ku heshiiyeen arin ah dawakhinta bulshada, marnaba kuma arkasid wax umada u dan ah oo ay ka hadlayaan,waxaan lee yahay dadku way idin arkayaan,ilaahay ayaa idin arkaya,ee umada sidan ka daaya,waxaan ku soo afmeerayaa qormadan,waar danta umadan dan hayarta ah halaga shaqeeyo dustoorkii iyo sharciyadii dib ha loogu noqdo,ictiraafkan aynu albaakiisi saxda ahaa aynu ka galno,hadii gurigaaga adigoo dagan lagugu qabsado,se ninka kugu haystaa uu maxkamada kasoo ashkateeyo,maxaa kula gudboon?


dee qadiyadeenu waa sidaa inaanu qaryaqaano heer caalamiya kiraysano weyaan,wada hadaladan lala furay soomaaliyana aynu ka baxno,iyagii baa ina diidanba ilaa 1960 kii ilaa imika somaliland madaxdeeda ayuubaa daba cararaya,MIDHA AAN DADKAYGA JUMHUURIYDA SOMALILAND U SHEEGAYAA INTA  WADA HADALO SOCDAAN CID INA ICTIRAAFAYSAA MAJIRAYSO,WAAYO ?

SIDA SHARCIYADA CAAIAMIGAHI AHI DHIGAYO INTA GARI AY SOCOTO XUKUN  LAMA SOO SAARI KARO,WADA HADALADAN XUKUUMADII KULMIYE INOO FURTEY EE 9SANADOOD SOCDEY EE GOLIHII BAARLAMANKU AY FUREEN EE LAGU FASHAL MAY,MAALIN QUDHA KAMAY HADAL KUWII IYAGUNA UMADU DOORATEY, WAA GOLAHA WAKOILADA IYO GUURTIDUBA WEYNU GARANAYNAA WAXAY UGA HADLI LA YIHIIN OO WAA SABABTA MARWALBA LOOGU KORDHINAYO,
 
UNta ICJ da waa maxkamada aduunka marna lama hordhigin qadiyadeen,ictiraafku wuxuu u baahan yahay waa la iska wada garanayaa ee inagaa isku meeraysanayna,UK iyo caalamkuba way yaaban yihiin,arimaha masiirka umada yaan lagu ciyaarin sidii 1960 kii ,ilaahay umadan xaqeedii la dulmiyey ha u soo celiyo aamiin.
BY/ABDIRIZAK HOOSH MOHAMED

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...