'' Kaftanka maanta ,Nin ba meel ha xidhay ''
- Hargaysina ilkahay xidhatayoo , wuxuun baad arkaysaa dadkii oo ilkaha biro ugu wada xidhan yihiin .
- Burcana filimaday xidhatayoo , hada iyo jeer wuxuun baad arkaysaa jileyaal cusub iyo filimo cusub oo Burco kasoo baxay sidii Jawaan iyo sooraanoo , waxaana ugu danbeeyey barnaamijkii hakis .
- Berberina mooralkay xidhatayoo , ilaa waagii riyaale dhagaxa dhigay mashaariciidii 3 boqol ee malyan ahayd maalin walba mashruuc cusub bay soo dhawaysaa .
- Ceergaabo na orodkay xidhatayoo , qarnigii koob iyo labaatanaad ayay Puntland iska wada dhiibaysaa ,iyadoo moodaysa in Puntland sidda Finland iyo Scotland qaxoonti qaabilayso .
- Laascaanood caqligay xidhatayoo , Dhisme iyo horumar bay u jeesatay ,.
- Xukuumaduna dhagahay xidhatayoo , waxaa hadal iyo hugun la isla dhex marayo , waa shidanaaba shidan .
- Maayar Soltelkana biriiguu xidhayoo , xagiin wax qabadka biriiga ayuun buu u hayaa .
- Buurmadoobina qandaraasyaduu xidhayoo , ilaa Cadde muuse iyo C/laahi yuusuf , waa harry .
markaa xaalku waa ninba meel xidhay .
W/Q: Ahmed Nour Guruje
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!