Xumadda Dengue (dengue Fever)
Xumadda Dengue (dengue
Fever) oo sida oo kale loo yaqaanno xumadda ‘Lafa jebinta’ waxa cudur uu
dhaliyo fayraska Dengi (Dengue) oo ka dillaaca dhulka kulaalaha ah ama
kulaalaha xiga, waxaana gudbisa kaneecada.
Fayraska Dengi marka uu
qofka ku dhaco afar illaa 10 maalmood gudahood ayaa uu ku soo ridaa, laakiin
malaha calaamado cad oo lagu garto, sidaas awgeed marar badan waxaa lagu qaldaa
xanuunno kale oo uu hargabku ugu badan yahay.
Si kastaba ha ahaato ee
calaamadihiisa waxaa ka mid ah xummad daran oo illaa 40 Digrii gaadha, madax
xanuun, kaar iyo xanuun ku dhaca muruqyada, Lafaha iyo xaglaha, yalaalugo,
matag, indhaha oo dhabarka dambe ee gudaha ka xanuuna, qanjaha oo barara, iyo
maqaarka oo gubta (Madoobaado).
Dadka badankoodu
xanuunkan toddobaad gudihii ayaa ay kaga bogsadaan, laakiin xaaladaha qaar ayaa
uu xumaadaa khatarna ku yahay nolosha Bukaanka. Waxaa ka mid ah marka ay
xumaddiisa oo aad u sarraysaa ay burburiso ama dillaaciso xididdada dhiigga,
kaddibna dhiigfuran gudaha ahi qofka ku dhaco, waana sababta keenta in unugyada
jidhka qaar hawlgabaan iyo dhimashada.
Khatarta ugu weyn ee
xanuunkani waa in uu si degdeg ah oo aan la sii saadaalin karin u xumaan karo,
illaa heer uu gaadho in uu nolosha qofka galaafto, inta badanna waxa ay tani
dhacda maalinta koowaad ama labada maalmood ee ku xiga marka ay xumaddu qofka
ka go’do. Haddaba markan oo kale calaamadaha uu qofku isku arko ee khatartaas lagu garan karo waxaa ka
mid ah; Calool xanuun daran, matag joogto ah, cirridka ama sanka oo dhiiga,
dhiig soo raaca kaadida, saxarada ama matagga, iyo dhiig furan maqaarka
hoostiisa ka dhaca oo inta badan lagu garto boogo jidhka qofka lagu arko,
neefsiga oo qofka ku adkaada ama neefta oo uu boobsiiyo (Neeftuur), daal iyo
burbur jidhka oo dhan ah, iyo xasilooni darro nafsiya iyo cadho degdeg ah.
GOORMA AYEY TAHAY IN
DHAKHTAR LOO TAGO?
Xanuunka xumadda Dengi
waxa uu leeyahay xaalado uu nolosha khatar ku yahay, sidaas awgeed dhakhtar
booqo haddii aad dhowaan booqatay dal uu ka jiro, haddii deegaanka aad joogto
looga shakisanyahay iyo haddii aad isku aragto wax uun ka mid ah calaaadihiisa,
gaar ahaan calool xanuun daran, matag, neefsiga oo cidhiidhi noqda, iyo dhiig
lagu arko sanka, cirrika ama saxarada.
LA SOCO QAYB KALE OO
MUHIIM AH
FG:
Waxaa muddooyinkii u
dambeeyey dalka ku soo badanayey xummad daran oo dad kala duwan ku dhacday.
Laakiin xogta halkan ku qoran ujeedadeedu ma’aha in ay xumaddaas ku sheegayso
‘Xumadda Dengi’ ama ay diidayso.
Mayo Clinic / Turj.
Kamaal Marjaan
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!