Dowladda Soomaaliya oo dalka dib ugu soo celineysa Dhainyaro ku xirnaa dalka Liibiya

0
Monday September 26, 2022 - 10:27:13 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 593
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Soomaaliya oo dalka dib ugu soo celineysa Dhainyaro ku xirnaa dalka Liibiya

    Xoghayaha kowaad ee Safaaradda Soomaaliya ee dalka Liibiya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoghayaha kowaad ee Safaaradda Soomaaliya ee dalka Liibiya



Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in 27 bishan oo bari ku beegan inay Dalka dib ugu soo celineeyso ilaa 9 Dhallinyaro Soomaaliyeed oo Tahriib uga baxay dalkooda, hayeeshee lagu xiray dalka liibiya.



Dhallinyaradaan oo qaarkood Maxaabiis ahaan ay u heysteen Kooxaha Burcadda ee loo yaqaano Magafayaasha ayaa Dowladda Soomaaliya ku guuleysatay in dib loogu soo celiyo dalkooda.


 

Xoghayaha kowaad ee Safaaradda Soomaaliya ee dalka Liibiya Ayuub Xaashi Ciise ayaa Wakaaladda Wararka SONNA u sheegay in Dhallinyaradaan diyaarad laga soo saaray dalka Liibiya bari oo Talaado ah lagana soo dajindoono garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.


Xoghaye ayaa sheegay in Dhallinyaradaan oo dhibaato badan la kulmay ay safaaraddu u dhameystirtay dhammaan waxyaabihii ay u baahnaayeen si dib loogu soo celiyo dalkooda.


Safaaradda Soomaaliya ayaa dadaal badan ku bixisay sidii muwaadiniitani Soomaaliyeed ee guud ahaan ku jira xabisyada dalkaasi dib loogu soo celin lahaa dalka, waxaana horay dalla dib loogu soo celiyay Muwaadindiin Soomaaliyeed oo ku xirnaa qaar kamid ah dalalka Caalamka.

Loading...
Loading...