Caafimad Qabka Maskaxda

0
Monday September 26, 2022 - 09:44:40 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 619
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Caafimad Qabka Maskaxda

    Sida laga soo xigtay Ururka Caafimaadka Adduunka, fayoobaanta maskaxda waxaa lagu qeexaa "xaalad fayo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida laga soo xigtay Ururka Caafimaadka Adduunka, fayoobaanta maskaxda waxaa lagu qeexaa "xaalad fayo

qab oo qofku uu ku garto awooddiisa ama awooddeeda, uu ula qabsan karo culeyska nolosha ee caadiga ah, u shaqeynayo si wax soo saar leh oo miro dhal leh, uuna awoodo inuu sameeyo wax u qabashada bulshadiisa.


Caafimaadka Maskaxdu wuxuu sharxayaa qof shucuur ahaan, nafsi ahaan, iyo ladnaan bulsheed. Caafimaadka maskaxdeena wuxuu saameyn ku leeyahay caadooyinkeena , heerka jimicsiga jirka, dabeecadaha  iyo sida aan u fikirno, dareemo, iyo la qabsiga xaaladaha adag.



Caafimaadka Maskaxda

Caafimaadka maskaxdu wuxuu ka kooban yahay caafimaad, shucuur, bulsho, iyo caafimaad ahaanba. Haysashada caafimaadka maskaxda ee wanaagsan waa mid qiimo leh oo waxtar u leh siyaabo badan oo ay ka mid yihiin:


????Hagaajinta caafimaadkaaga jirka

????Laqabsashada walaaca iyo xaaladaha adag

????Lahaanshaha xiriir bulsheed oo wanaagsan


????Inaad noqoto qof adkeysi badan ama ka soo kabashada si fudud xaaladaha adag

????Dareemid farxad iyo qanacsanaan badan


Sida caafimaadka jirka, wax aad uga badali karto ayaad maskaxdana u horumarkarta  ! Waxaa jira waxyaabo badan oo aad sameyn kartid si aad uga shaqeyso horumarinta caafimaadka maskaxda ee wanaagsan. Waa kuwan qaar ka mid ah tallaabooyinka aad qaadi karto si ay kaaga caawiyaan hagaajinta caafimaadkaaga maskaxda.


????Rajo muuji

????Noqo qof firfircoon

????La xiriir bulshada 

????Go’aanso waxa ku siinaya ujeeddo oo raac

????Hurdo badan seexo

????Kor u qaad oo ku tababar xirfadaha la qabsashada cusub

????Ha ka baqin inaad weydiisato caawimaad xirfad leh markaad u baahato

????Badi Digrga Alle  isagaa u dawo ah qalbiga naftuna ku xasishaa

 

Dr. Askar

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...