Muxuu Yahay Raashinka Marka Ay Hooyada Uurka Leh Cunto Ay Ilama Caloosheeda Ku Jirta Ku Qoslaan?
Haddii aad ka mid tahay
dadka aan jecleyn dhadhanka qaxwada iyo noocyo kale oo raashinka ah, qaar
kalena aad dhadhankooda ka heshid, kaligaa ma tihide waa lagula qabaa
dareenkaas.
Cilmi-baaris cusub ayaa
lagu soo bandhigay noocyada raashinka ay ku farxaan iyo kuwa ay ka caroodaan
ilmaha ku jira uurka.
Daraasad ay dhawaan
seynisyahanno ku sugan UK ku sameeyeen 100 haween ah oo uur leh iyo ilmaha
calooshooda ku jira ayaa lagu ogaaday in marka ay hooyada xaamilada ah cunto
karooto ay ilmaha uurkeeda ku jira ”dhoolla-caddeeyaan” marka ay khudaarta
cagaaran cuntana ”aysan ku farxin”.
Dumarka ka qeyb
qaadanayay daraasadda ayaa la siinayay kiniiniyo ka sameysan karooto budo laga
dhigay, halka 35 ka tirsan haweenkaas la siiyay kiniiniyo ay ku jirto budo ka
sameysan khudaarta kabashka.
Maxay noqotay
fal-celinta ilmaha ku jira uurka?
Kooxda seynisyahannada
ah ee daraasaddan soo saaray ayaa waxa ay Majalladda ka faalloota Seyniska
Cilmi-nafsiga ku qoreen in 20 daqiiqo kaddib markii hooyooyinka uurka leh la
siiyay karootada ay raajooyinka laga qaaday sawirradooda muujiyeen inay ku
farxeen, ayna dhoolla-caddeynayeen.
Ilmaha ay gaartay
saameynta budada khudaarta kabashka ayaan ku farxin dhadhankaas, waxaana
sawirradooda wajiga ka muuqatay in ay caroodeen.
Sawirrada ayaa lagu
qaadayay raajooyinka casriga ah ee loo yaqaanno ”4D ultrasound”.
Soddon dumarka uurka
leh ah oo aan wax raashin ah la siin ayaan ilmaha calooshooda ku jira lagu
arkin wax falcelin ah.
Daraasado hore ayaa
muujiyay in kala doorashada dookha noocyada raashinka ee aan jecelnahay ay soo
billaabato inta aynaan dhalan ka hor; taasoo ku xiran waxyaabaha ay hooyadu
cunto, dareereyaasha ku hareereysan ilmaha uurka ku jira ayaana yeelan kara dhadhanno
kala duwan.
Balse daraasaddan cusub
oo lagu fuliyay Jaamacadda Durham ayaa lagu sheegay in hadda ay tahay markii
ugu horreysay ee wax laga ogaado fal-celinta la xiriirta raashinka ay hooyadu
cunto iyo ilmaha ku jira makaanka.
Goormuu ilmaha caloosha
ku jira billaabaa dhadhaminta cuntada?
Mid ka mid ah
seynisyahannada ka qeyb galay cilmi-baarista, oo lagu magacaabo Nadia Risland,
ayaa tiri: "Daraasad hore waxaan ka barannay in raashinka ay ilmaha ku helaan
caloosha hooyada uu muhiim u yahay caafimaadka mustaqbalka carruurta iyo
bad-qabkooda. Balse ma garaneyno xilliga ay billaabato arrintan.
"Tijaabada aan sameynay
waxaan, annagoo isticmaaleyna kaniiniyo kaabsol ah, cunto gaarsiinnay carruurta
uurka ku jira 32 isbuuc iyo 36 isbuuc, sababtoo ah raashin qaadanashoodu waxay
u muuqataa mid aan la fahmi karin.”
"Waxaan rabnaa inaan
sii wadno cilmi-baaristeenna oo aan ogaanno xogta ku saabsan carruurtan marka
ay dhashaan kaddib iyo haddii ay sii xiiseeyaan dhadhanka karootada.”
Waxa ay intaas ku sii
dartay Nadia Risland: "Waxaan rajeyneynaa in ay dhalashadooda kaddib la
qabsadaan cunista khudaarta cagaaran si ay uga helaan caafimaad.”
‘Kharaarka waxaa lala
xiriiriyaa khatarta’
Seynisyahanadda ayaa
dhanka kale sheegtay in ay jirto sabab kale oo ay carruurta uurka ku jirta u
diidaan dhadhanka kharaar.
"Waxaan sidoo kale isla
xiriirinnaa dhadhanka kharaar iyo waxyaabaha khatarta ah, waxaana uga
fal-celinnaa si degdeg ah, balse maadaama kharaar kasta uusan khatar ahayn waa
inaan baranno sidii aan ula qabsan lahayn, annaga iyo carruurteennaba.
Cuntooyinka kharaar qaarkood waxay u fiican yihiin caafimaadka.”
Nadia Risland waa
madaxa qeybta cilmi-baarista carruurta uurka ku jira ee Jaamacadda Durham.
Waxa ay BBC-da u
sheegtay in "ilmaha uurka ku jira ay muujiyaan jaceylka ay macaanka u qabaan
iyagoo 14 isbuuc ku jira caloosha”.
BBC