Xisbiga Waddani Oo Ka Jawaabay Hadal Ka Soo Yeedhay Xildhibaan Khadar Cali Xakiin

0
Sunday September 25, 2022 - 20:36:03 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1666
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga Waddani Oo Ka Jawaabay Hadal Ka Soo Yeedhay Xildhibaan Khadar Cali Xakiin

    "Hadii deegaankaaga aad wax la rabto Madaxweyne ayay u tartamayaane ku taageer"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Hadii deegaankaaga aad wax la rabto Madaxweyne ayay u tartamayaane ku taageer"


Hargaysa (HWN) Gudoomiyaha Garabka Dhallinyarada Xisbiga WADDANI Abdirashid Abdi Jama ayaa ujawaabay xildhibaan Khadar Cali Xakiin oo ka tirsan Golaha wakiilada Somaliland oo sheegay in beeshiisu rabto in ay ka muuqato shir gudoonka golaha Wakiilada.

Gudoomiye Cabdirashiid ayaa qoraal uu baahiyay oo ugu jawaabayo xildhibaanka ku yidhi sidan:-

 

"Hadii deegaankaaga aad wax la rabto Madaxweyne ayay u tartamayaane ku taageer

Xildhibaan Khadar Ali Hakin oo aan Daawaday isaga oo la hadlaya MM Somali TV ayaa waxa uu si qaawan u yidhi hadaanu Nahay deegaanka ugu mudanayaasha Badan Golaha Wakiilada waxa aanu rabnaa inaanu Shir Gudoonka ka muuqano. Dhinac marka laga eego waa runtii, laakiin ha ogaado in deegaankaasi Madaxweyne u socdaan oo ay rabaan inay dalka Hogaamiyaan ee aanay Gudoomiye Kuxigeenka 2aad ee Golaha wakiilada u socon inay ku tartamaan.

 

Hadii deegaankaaga aad wax la rabto Madaxweyne ayay u tartamayaane ku taageer oo halkaas bay talo kaaga furan tahee, soo garab Joogto xisbigaad ka soo baxday.

 

Mida Labaad mudanuhu ha ogaado in Somaliland wada lahaanshadeeda, iyo isku dheelitirka deegaanada dalku sida uu ku qurux badan yahay ay tahay in Shir gudoonka golaha Wakiiladu sax ku yahay sida uu hada yahay. Hadii Xil Cali Xaamud Cidi badalaysana nin deegaankiisa ahi uu badalayoā€¯ ayuu yidhi Abdirashid Abdi Jama.


Loading...
Loading...