Khasaaraha Ka Dhashay Shil Gaadhi Oo Xalay Ka Dhacay Hargaysa

0
Sunday September 25, 2022 - 09:20:54 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1494
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khasaaraha Ka Dhashay Shil Gaadhi Oo Xalay Ka Dhacay Hargaysa

    "Ka dib markii Darawalkii Gaadhigan Dhuxushu saarnayd waday uu ka waayey Bireegii"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Ka dib markii Darawalkii Gaadhigan Dhuxushu saarnayd waday uu ka waayey Bireegii"


Hargaysa (HWN) Shil gaadhi ayaa Xalay  Saqdii dhexe  Caasimadda Hatgeysa ka dhacay gaar ahaan Waddada Laamiga ee ka Timaada Madaarka Cigaal International Airport   ee Isgoyska Xaafadda Sabaxareed.



Shilkani gaadhi ee Xalay Isgoyska Waddada Sabaxareed ee Madaarka Hargeysa ka timaada ka dhacay Abaaro 2:00 Habeenimo ayaa ahaa mid Gaadhi Waaraad oo Dhuxul Siday kana Yimid dhinaca Koonfureed ee Waddada Madaarka Hargeysa ' ayaa Gaadhigaasi la sheegay in uu Bireegii ka waayey Wadihii Gaadhigaasi.

 

Ka dib markii Darawalkii Gaadhigan Dhuxushu saarnayd waday uu ka waayey Bireegii waxa uu awoodi waayey in uu ka Leexiyo Isgoyska Sabaxareed waxaanu la galay Guri Daara iyo Meherado oo dhinaca Waqooyi kaga soo jeeda Waddada Laamiga ah ee Sabaxareed ee Afar Ridooda ah.

 

Waxa ay xogaha Shilkan Xalay Waddada Sabaxareed ee C. Hargeysa la xidhiidha sheegayaan in aanay jirin wax dhimasho ah balse 3 qof oo Darawalkii waday Gaadhiga Waaraadka ah uu ku jiro ay dhaawacyo shilkaasi ka soo gaadheen Cusbitaalka guud ee Hargeysa lagu dabiibaayo.


Ugu dambayn maaha markii u horaysay ee shilal Khasaare Nafeed iyo Mid Hqntiyeedba gaysta ay ka dhacaan Waddadan Isgoyska Xaafadda Sabaxareed waxaana ilaa dhawr iyo Sagaashankii halkaasi ka dhacay Shilal aad u badan oo dad aad u badani ku nafwaayeen Alle haw naxariisto Intii hore ugu dhimataye.

Loading...
Loading...