"Mudo Korodhsiga Waan Ka Saarayaa Dastuurka Hadaan Xukunka Imaado" Dr. Gaboose
Hargaysa (HWN) Gudoomiyaha
Urur Siyaasadeedka BARWAAQO Dr.Mohamed Abdi Yusuf Gaboose ayaa ka hadlay mudo
kordhinta Madaxwaynaha, sida uu Gudoomiyuhu ku sheegay qoraalkan hoose oo uu baahiyay:-
"In la kordhiyo
waa dastuuri oo hay'addan dhanba laguma dhex qoreen hadaanu dastuuri ahayn,
Marka waa sharci in la kordhiyo, ta anigu aan ka hadlaaya waxa weeye Dastuurku
wuxu odhanaya marka doorasho laga hadlayo xisbiyada ayaa danlaydii ah marka
iyaga xisbiyadan ba laga raba golayaashii baa samaysan, nidaamkii baa samaysane
iyaga laga raba in ay ka diidaaan cida dalka xukuumaysa marka [arintu M.Muuse
kaliya ma aha] in ay u diidan in uu korodhsado oo awooddooda isticmaalan
baarlamaanka majority ayay leeyihiin.
marka anaga damaacigiisa iyo damaaci la'aantiisu nama khusayso ee is waydii dalkan hay'addo ma u samaysan yihiin isaga u diidi kara in lagu xakameeyo? maxay u isticmaali waayeen hadii ay rabaan doorasho madaxtooyo in la dadajiyo iyaga awood u leh Se ma rabaan oo mudo korosiga ayay rabaan . Anigu hadaan xukunka imaado waan ka saaraya qodobkaas mudo kororsiga dastuurka" Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka BARWAAQO Dr.Mohamed Abdi Yusuf Gaboose