Mucaaradka Somaliland oo soo Dhaweeyay go'aanka guddiga Doorashooyinka

0
Sunday September 25, 2022 - 00:59:18 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1203
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mucaaradka Somaliland oo soo Dhaweeyay go'aanka guddiga Doorashooyinka

    Mucaaradka Somaliland oo soo Dhaweeyay go'aanka guddiga Doorashooyinka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mucaaradka Somaliland oo soo Dhaweeyay go'aanka guddiga Doorashooyinka


Hargeisa(HWN):-Xisbiyada mucaaradka Somaliland, ayaa soo dhaweeyay go'aanka guddida doorashooyinku ku sheegeen inay muddo 9 billood gudaheed ah ku qabanayaan doorashada madaxtooyada Somaliland.



Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa qoraal uu ku baahiyay baraha bulshada ku sheegay in uu soo dhawaynayo mudada ay qabteen guddida doorashooyinku.

"Aad ayaan uga xumahay in Muuse Biixi gacantiisa ku burburiyay Komishankii Doorashooyinka Qaranka  ee hore si uu mudo kordhin sharci-daro ah u helo, taasoo aan marnaba u suurta-gali doonin, waxa aan soo dhawaynayaa go’aanka Koomishanka doorashooyinka qaranka ee ah inay doorashada madaxtooyadda ku qabanayaan muddo 9-billood ah.” Ayuu yidhi Faysal.

Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga WADDANI Maxamuud Aadan Jaamac "Gallaal", oo isna qoraal ku baahiyay baraha bulshada, ayaa bogaadiyay go'aanka guddida isaga oo ku macneeyay murankii doorashooyinka oo soo dhammaaday.

"Komishanka Doorashooyinka Somaliland go'aankooda in 9 billood doorashadii madaxtooyadda lagu qabto waanu soo dhoweynaynaa, waananu hambalyeyneynaa in murankii doorashada madaxtooyada soo af-jareen" Ayuu yidhi Gallaal.

Guddida Doorashooyinku bayaankooda kuma soo hadal qaadin haba yaraatee dooorashada urrurada ee Xukuumaddu dabada ka riixayso, waxayna kali ah ka faalloodeen wakhtiga suuragal ka ah ee la qaban karo doorashada madaxtooyada.

Loading...
Loading...