U'Nasteexaynta, ka Dayawga Xaqa, iyo Hagayaashooda Qarsoon.

0
Saturday September 24, 2022 - 19:12:02 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 611
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    U'Nasteexaynta, ka Dayawga Xaqa, iyo Hagayaashooda Qarsoon.

    Qalinkii: Axmed Cali Kahin Q/1aad.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qalinkii: Axmed Cali Kahin Q/1aad.


Intaynaan u galin ciday yihiin ugu horayn yaa weeray hore iyo dambaysa rasuulka ama hadalkiisa ama ficilkiisa ama wanaaga laga wariyay ee isku huwan qowl iyo ficil uu sameeyay, oo samaha u adeegaya kana soo burqanay isha wanaaga iyo samata bixinta adoomaha baahan ee dunidan jooga.

Dhamaan gaalo iyo islaam ama dadka taariikhda qora kana ilaaliyaa qorida dareenkooda gaarka ah ee ku xeeran. Balse dadka Badanaana qoraalkooda iyo dareenkoda meel iskugu geeya wuxuu  ka habaabiya kuna  ambiyaa, habawga  iyo dayawga madaw ee uu dhaliyay dareenka madiga ah ee madaw.

Kaasi oo keena in uu ka indho saabo dhamaan xaqiiqaha la isla yaqaan dhaqan, dadnimo ama diin ahaan, kuwaasi oo ah salka iyo faraca dood kasta. Marka laga fogaado kuwa afkooda iyo uur’koodu kala jaadka yahay ama kala duwan yahay kuna hadaaqa hadal ka fog uurka hoose iyo isha daban.

Haddaba kuwaasi oo dabnahooda waxa kasoo burqanaya iyo waxa ku hilan quluub’tooda hoose oo ah dareen leexsan oo  dabnuhu diidayaan, dareemayaana gocasho iyo dareen hoose oo ku talaalan abuurkii iyo balankii Allaah ka qaaday intii aan jidhka lagu rakibin nafta soona bixin qof kaasi oo dood badane ah uguna sii daran tahay in uu diido waxa indhihiisu arkayaan kuwa ugu cadcad, culus, waawayn uguna xeesha dheer sida cirka iyo dhulka iyo isbadalka habeenkii iyo malinta isku badalaaya qabka is hagaaya cadceeduna iftiinka ku burqinayso ama shiiqinayso.

Taasi oo dhamaan uumi’yaha, noolaha ama wax kas too la abuuray ku dhawaaqeen haddaaq Rabaabiya oo markhaati iyo marag kac wayn ahaa in Allaah Rabigood yahay.

Haddaba goormay daba roganka iyo dafiraada wayni tihim iyo siday ugu mileen kuwa isku waxyooda ee la ydihaad shaydaanka iyo shaydaanul insiga sida uu quraanku ku tilmaamay kuwaasi  una adeegsanaaya dhamaan dhinac’yada kala duwan, sida Dareenkooda, fikirkooda iyo dhamaan wax-yaabaha saameeyo dhacdooyinka taariikhda siday is ku waddo iyo wax kasta oo  dhacay intii aadme noolaa wuxuu ku midaysan yahay kuna kulan sanyahay in dhacdooyin ka aduunyada soo maray ahaayeen qaar cidiba si u turjumatay ama u qeexatay iyagoo kaashanaya dhaqankooda iyo waxyaabaha ku xeeran ee saameeya noloshooda iyo caqligooda  basle marna la iskuma qabsan dhacdooyinka taariikhdu sumada gaarka ah u yeeshay..

Haddaba  kuwa  ku dhex dayoobay nuurka iyo iftiin wax’yiga samaawiga, iyo xikmadaha iyo fasiraada quraanka lasoo raaciyay, lagu soo diray amarka quraanka iyo quraacida hab-dhaqanka aadamaha iyo toosintiisa iyo barakaynta inta wacan oo sal u ah risaalada ama dhambaalka Rabbi(SWT)  in nolosha lagu hago habkaa rabaaniga ah ee la soo raacshay lanagana dheeraado ducowareen dadnimo kaasi oo ku aroori doona in la hoos maro mayeedhaanka.

Sit taa loo helo waa in la hufo ama la haadiyo  si looga tiro dhamaan wax yeelooyin ka aadamaha ka soo fula dhaqankiisa ama kasoo butaaca hab-maarayntiisa, ama sida uu ula fal-galo, am ula  tacaalo dhacdooyin’ka kuwaasi oo ay sabab u tahay sunaha ku xeeran oo ah socodka wakhtiga iyo  gad’gadoon ka maalin laha, kuwaasi oo saamayn togan ama taban ku leh sidaad u waajahayso ama uga jawaabayso kuna xidhan hadba xadhiga kuu xidhan xaga aaminaadaada.

Taasina laga dheehan karo qaababka aad u waajahdo lagana akhrisan karo wax-soosaar kaaga o’dhaaheed iyo adimeed oon ula jeedno afkaaga iyo adinkaagu sida ay uga jawaabaan dhacdooyinka la xidhiidha qeexida quraanka iyo dhaxalka suubanihii kaasi o jawaabta waafiga ahi tahay kolba halkaad dhigno hadalka Rabbi Subxaana iyo qawlkiisa (Rasuulka Salaan sare iyo nabad galyo korhiisa ha ahaa tee) kaasi oo ahaa "Mudankii uun ka iyo Udgoonihii aadmiga” hore iyo dambaysaba ahaa sayidkii loo diray dhamaan sanku neefle Salaaahu Calayshi Wasalm.

Haddab kooxahan  waxaa ugu Caansan kuwa la yidhaahdo ….”Idamka Allaah waxa xigi doona Q/2aad.  Qalinkii: Axmed Cali Kahin.             [email protected].


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...