Masuuliyiin Kawada Tirsan Xisbiga Waddani Oo Isku Jawaabay
Hargaysa (HWN) Xoghayaha
Warfaafinta Xisbiga Waddani Maxamuud Jaamac Galaal, ayaa u soo jawaabay
xildhibaan Barkhad Batuun, oo shaki ka muujiyay soo dhawaynta xisbiga Waddani
ee guddida Doorashooyinka.
Akhri qoraalkiisa
". Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun iyo ciddii
shaki qabtaba in moqofka xisbiga WADDANI iyo afkii xisbiga aan ku hadlayey
matkaan soo dhoweeyey go'aanka Komishanka Doorashooyinka shakigaas iska saara.
Barkhad waa nin weyn oo masuul ah, inta aanuu isagu wax loo arko in ay liddi
moqafkayagaas ku tahay soo qorin in uu aniga ama madaxda xisbiga la soo
xidhiidho ayaa habbooneyd. Arinkaas hubsiimo la'aan iyo wax kale ayaa ku jiray.
Waxaan kale oo
caddaynayaa in moqufka xisbigana baraha bulshada oo Facebook ka mid yahay lagu
baahinayo sidii awelba loogu baahin jiray. Kan maantana FB, Twitter, TV
shabakadaha iyo BBCda oo aan duhurkii la hadlayba waa lagu baahiyey.
Hadal iyo murti
hubsiimo waa waajib ah inta aan shakhsi masuul kale ka daba hadil ama wax ka
daba qorin. Saaxiibkay dib waxaa howgu noqon baan kula talinayaa.” Ayuu yidhi
Xoghaye Galaal.
Hadalkan xoghayaha ayaa
yimid kadib markii Xildhibaan Barkhad uu Baahiyay qoraalkan hoose:-
"Go'aannada masiiriga
ah ee Xisbiga Waddani waa in ay ku soo baxaan shir hoggaan, fulineed ama gole
dhexe. Xaaladdan cakiran ee siyaasiga ah
ee dalku galay darteedna waa in god seegyada siyaasiga ah laga taxaddiraa.
Qoraal facebook ma noqon karo go'aan Xisbi.”