Waxaan Arkayay Dad Badan oo Sawirkan Qaarba sida ay Jecel Yihiin U micneysanayay.

0
Saturday September 24, 2022 - 17:47:08 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 943
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waxaan Arkayay Dad Badan oo Sawirkan Qaarba sida ay Jecel Yihiin U micneysanayay.

    Aniga iyo Isaga Unbaa Is ogayn Waxaanu islahayn.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Aniga iyo Isaga Unbaa Is ogayn Waxaanu islahayn.


Aniga iyo Xildhibaan Mustafe Waxaaan Nahay Raga ugu Saaxibsan ee Golaha wada jooga Maalmo Badan oo horena Siyaasada Isku dhinac baanu wada ahayn. Waxaanu Hormood kawada ahayn Mooshinki Derajada Caynabo Kor loogu qaadayay Waliba shaqsiyan waxaan ahaa Ninkii Akhriyay Mooshinkaas.



Siyaasadu Maalinba Meel bay taagan tahay ,Aniga iyo saaxibkeyna Hal Mooshin Baan ku Kala fikir duwanaanay ,macnaheeduna maaha waa lakala tagay ,Mid kalena aan idinku Daree Laba Nin oo Caynaba laga so wada doortay Baan ahay. reer Caynaba Hoostay iska ogyihiin markasta ,ee Dadka Qaar Halumime ee soo baydha ayaan idiin leeyahay.


Labada Xeer ee Goluhu Ansixiyeyna Waa Xeerar Sharci ah oo goluhu Ansaxiyey ,waxaana loo gudbiyay Golaha Guurtida oo uu Yaala, Hadii Guurtidu Sii Ansixisana Waxuu sii Tagi Doona Madaxtooyada ee cidii dood ka qabtaa Xeerkaasi Golaha wakiilada wuu dhaafaye Hakaga Daba tagto Guurtida iyo Madaxtooyada.


Ciyaar Dhamaatay Kucelis Malaha



 

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...