Faa'iido Ma Ugu Jirtaa Muuse Biixi Xeerka G.Wakiiladu Ansixiyeen Ee Doorashooyinka?

0
Friday September 23, 2022 - 20:02:21 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1802
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faa'iido Ma Ugu Jirtaa Muuse Biixi Xeerka G.Wakiiladu Ansixiyeen Ee Doorashooyinka?

    "Xanibaada sharci ee Waddanku u cadilna waxa xalkeedi keenay Golaha Wakiilada JSL "

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Xanibaada sharci ee Waddanku u cadilna waxa xalkeedi keenay Golaha Wakiilada JSL "


Xeerkii Doorashooyinka ee Golaha Wakiiladu ansixiyeen Alle hortii cidda danta ugu wayn ka dheefaysa ee faa’iidada uu u yahay waa Madaxweynaha Qaranka Muuse Biixi Cabdi.



"qofkaad shar u diiddan tahay

u doortay si kahyr ku jiro

ayaa misna kuugu duda

waxaad uga daacad tahay” Abwaan Hadraawi


Dadbadan waxay is waydiin karaan  wax ka badalkii Xeer-14 iyo Xeer-91 ay ku sameyeen Isniintii Golaha Wakiiladu danta ugu wayn yaa ka helaaya amma ay ugu jirta. Jawaabto kooban Alle hortii qofka danta ugu badan ka helaaya waa Madaxweynaha Qaranka Mud. Muuse Biixi Cabdi waanan sababaynaya.


Madaxweynuhu wuxuu goob kasta iyo cid kastaba ku xujeeyay inuu sharciga Waddanka meelna aanu ka dhaafayn, wixii sharci faraayana uu difaacayo. Sida Dastuurka Jamhuuriyadeena aan aqoonsiga haysan kucad awoodaha Dawladnimo ee Dalku waa saddex, Sharci dajiyaal Golayaasha ah, Garsoor Maxkamada sare u sarayso iyo waaxda fulinta ee Madaxweynaha. Muranka ugu badan qabsoomida doorashada ururada/ Axsaabta ayay ka taagnayd kaas oo Somaliland ku aha laf-dhuungashay. Caqabada ugu wayn ee doorashada ururada iyo Madaxtooyada gorada isu galinaysay waxay ahayd, sharciyadii doorashada tooska ah lagu qabanaayay oo aan ku jirin xeerka koomishanka doorashooyinka ku qabtaan doorashada ee Xeer-91, iyo labada doorasho Madaxtooyada  iyo Ururada/Xisbiyada mida horraynaysa oo qodobka 2-aad ah.


Xanibaada sharci ee Waddanku u cadilna  waxa xalkeedi keenay Golaha Wakiilada JSL oo qaatay talladii Ganacsatada waa wayn ee Waddanka. Waxay Xeerkii 91 ku dareen "Doorasho toos ah”. Oo macnaheedu yahay in Ururada/Axsaabta doorashadooda la qaban karo si toos ah. Sidoo kale waxay isku sidkeen labadii doorasho iyadoo Somaliland hore isugu qabatay laba doorasho (Wakiilada iyo Golayaasha degaanka) Markay sidaa tahay cidda ugu wayn ee soo afjarida murankii Somaliland ka taagna dantu ugu jirta waa Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo sharciga ku adkaa lakiin aan haynin sharci uu raaco oo doorashooyinka is dulfuulay lagu qabto.


Mar haday sidaa tahay aniga filashadayda Xeerkaas Golaha Wakiiladu curiyeen oo hadda Golaha labaad ee Guurtida horyaala, waxaan ka filayaa inuu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi hawraarsan ku soo dhawayn doono farajkaas Alle u keenay, hoggaamintiisana uu hanan doono. Rajadii ugu danbaysay ee doorashooyin Waddankeena ka dhaca ayuu xanbaarsan yahay Xeerkaasi. Ciddii talladaas keentay ee Ganacsatada waa wayn ee Wardanka lexejeclada kaleh ay kow ka yihiin Rabbi haka abaal mariyo, Golaha Wakiilda guud ahaan iyo Xildhibaanadi ansixiyayna waxay guteen wajibaad laga filaayay iyana way mahadsan yihiin.

Waxa qoray La-taliyaha Warbaahinta ee Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Waddani Muniir Axmed Cigaal;


Loading...
Loading...