War Farxad Leh Oo Ku Saabsan Hab Cusub Oo Loo Daweyn Karo Cudurka Kansarka
Nooc cusub oo daweynta
xanuunka kansarka ah oo loo adeegsaday hal fayras oo qofka lagu durayo si loo
burburiyo unugyada uu saameeyay cudurka ayaa laga muujiyay rajo aad u
wanaagsan.
Tijaabo hordhac ah oo
lagu sameeyay bani’aadamka ayaa horseedi karta guul taariikhi ah, sida ay
sheegeen seynisyahannada UK.
Bukaan qabay kansar oo
ka mid ahaa dadka tijaabada lagu sameeyay ayaa laga waayay cudurka, halka kuwo
kalena ay saameynta aad uga yaraatay.
Daawadu waa fayras ka
mid ah noocyada hargabka oo la daciifiyay, kaasoo dib loogu farsameeyay si uu u
dilo unugyada kansarka.
Daraasado kale oo ka
waaweyn tan, kana waqti dheer ayaa loo baahnaan doonaa, balse khubarradu waxa
ay sheegeen in cirbaddan ay ugu dambeyn horseedi karto rajo nololeed oo ay
yeeshaan dadka uu heerka xun ku gaaray kansarka.
Krzysztof Wojkowski, oo
ah 39 jir kasoo jeeda galbeedka London, waxa uu ka mid yahay bukaannada ka qeyb
qaatay wejiga hore ee tijaabada, oo uu sameeyay Machadka Cilmi-baarista
Kansarka ee "Royal Marsden NHS Foundation Trust”.
Sanadkii 2017 ayaa laga
helay kansarka oo uga dhacay murugyada calyada abuura ee u dhow afka.
In kastoo xilligaas
lagu sameeyay qalliin iyo daweyn kale, kansarkiisu wuu sii fiday.
”Waxaa la ii sheegay in
aanan heysan wax fursad ah, waxaana qaadanayay dawooyinka gabogabada nolosha.
Waxay ahayd xaalad naxdin badan, sidaas darteed fursad ayaan u arkayay inaan ka
qeyb qaato tijaabada,” ayuu yiri.
Waqti yar ayuu
qaadanayay dawada kansarka ee laga sameeyay fayraska dhaliya hargabka dhuunta
xanuunjiya - waxayna u muuqataa in daawadaas ay meesha ka saartay kansarkii
hayay.
”Cirbado ayaan
qaadanayay labo isbuuc oo walba kaddib waxayna ii socdeen shan isbuuc oo ay ku
baabi’iyeen kansarkeyga. Hadda waxaan kansarka xor ka ahay muddo labo sano ah.”
Cirbadaha waxaa si toos
ah loogu durayay burooyinka kansarka, waxayna xanuunka u weerarayeen labo qaab
– habka koowaad oo ah inay gudaha u galaan unugyada kansarka iyo iyagoo
unugyadaas qarxinayay, iyo habka labaad oo ah inay nooleynayeen unugyada
difaaca.
Qiyaastii 40 qof ayaa
ka qeyb qaatay tijaabada daweynta kansarka.
Dadka qaar waxaa la
siiyay cirbadaha oo lagu magacaabo RP2, oo kaligood ah. Qaar kalena waxaa lala
siinayay nooc ka mid ah daawooyinka kale ee kansarka oo loo yaqaanno
”nivolumab”.
Natiijada soo baxday oo
lagu soo bandhigay shir ka dhacay magaalada Paris ee dalka Faransiiska, ayaa
muujisay:
Saddex ka tirsan sagaal
bukaan oo la siiyay cirbadda RP2 oo kaligeed ah, oo uu ku jiray Krzysztof,
waxaa la arkay in cudurkooda uu soo afjarmay.
Toddobo ka tirsan 30
qof oo cirbadda loogu daray dawooyin kale ayaa iyagana u muuqday inay ka
faa’iideen.
Saameynta kale ee ka
dhalatay, sida daal, ayaa si guud u ahayd mid aad weyneyd.
Barfasoor Kevin
Harrington, oo hoggaaminayay cilmi-baarista ayaa BBC-da u sheegay in natiijada
laga arkay daaweynta ay ahayd mid "si dhab ah loogu farxo” oo laga helay
noocyo kala duwan oo kansarka heerarka sare ah, sida nooca ku dhaca cunno-mareenka
iyo nooca dhifka ah ee ku dhaca indhaha.
”Waa arrin dhif ah in
la arko natiijo noocaas ah oo kasoo baxda tijaabo caafimaad oo hordhac ah,
waxaana ka qeyb qaatay bukaanno uu cudurka heerka ugu sarreeya ku gaaray,
kuwaasoo daweyntii u socotay ay joogsatay,” ayuu yiri.
BBC