38 Jir Ayuu Ku Bilaabay Halgan Uu Ku Rumaynayo Riyadiisii Carruurnimo

0
Friday September 23, 2022 - 12:21:20 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1004
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    38 Jir Ayuu Ku Bilaabay Halgan Uu Ku Rumaynayo Riyadiisii Carruurnimo

    W/Q: Kamaal Marjaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Kamaal Marjaan



Sawirrada hoos ku lifaaqani waa Dr. Carl Allamby oo Maraykan ah, waxa uu ahaan jiray farsamayaqaan ku xeeldheer ka shaqaynta baabuurta (Makaanik), laakiin lacag iyo magac kasta oo uu xirfaddiisan ku qabay waxaa kaga weynaa in uu mar uun rumeeyo riyadiisii carruurnimo oo ahayd in uu noqdo dhakhtar. Waa go’aan hal-adayg iyo ku dhac u baahnaa.



Sida ay ku warrantay shabakadda wararka ee Fox 11, Dr. Carl Allamby waxa uu ka dhashay qoys danyar ah oo ku noolaa tuule yar oo ku taalla bariga magaalada Cleveland ee gobalka Ohio. Aabihii badeecad yar inta uu gacanta ku qaado ayuu albaabada garaaci jiray si looga iibsado, waxa uu ka raadin jiray biilka qoyska oo ka koobnaa lix carruur ah oo uu Carl ku jiro iyo labada waalid.


Carl waxa uu sheegay in dhakhtarnimadu ay ahayd riyadiisii carruurnimo, laakiin duruufaha nololeed ay ku qasbeen in uu xirfaddan kale u baydho. Isaga oo dugsiga sare ku jira ayuu shaqo saacadaha fasaxiisa ah ka helay geerash baabuurta lagaga shaqeeyo oo ku yaalla degmadiisa. Muddo yar kaddib oo uu xirfaddii bartay, sumcadna ku helay ayaa isaga oo 19 jir ah uu furtay geerash u gaar ah. Si kastaba ha ahaato ee sida uu sheegay waxa ay ahayd shaqo duruufuhu ku kallifeen oo aanu marnaba laabtiisa u sii deyn.


Muddo uu ku calool adaygay kaddib, ugu dambayn waa uu adkaysan kari waayey oo waxa uu bilaabay in habeenkii shaqada kaddib uu waxbarasho bilaabo.


Sannadkii 2010 isaga oo 38 jir ah ayuu galay kuliyadda caafimaadka, maanta waa 51 sanno jir ah dhakhtar guud oo ka hawlgala cisbitaalka Hillcrest Hospital.


GU’GA KU KORDHAYA DA’DAADA HA U OGOLAAN IN UU RIYADAADA DILO.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...