Ludu Vs Chess
Sideedaba Siyaasadu Waa
Game ama Ciyaar . Team walbana Qaab uu u Ciyaaro ayuu leeyahay , Political Game
ka aad hada arkaysaan ee Golaha
Wakiilada Ka Dhacday Waxaan Ku Masaali lahaa laba Ciyaarood oo kala ah Ciyaarta Laadhuuda iyo Ciyaarta Jesta
Looyaqaano.
Qolada Isbaheysiga
Mucaaridku Waxay Iyagu Always Ciyaaran Ciyaarta Looyaqaano Jesta . Dadka Ciyaarta Jesta ah yaqaana way
garanayaane waa ciyaar siyaasadeed oo
god kasta iyo shax kasta oo aad guureyso waa mid kudhisan qorshe (Strategic
Plan) Mana ciyaari kartid qorshe iyo khidad la,aan , Hadii kale si fudud baa
lagaaga badinayaaa, Waana Ciyaar Ubaahan Maskax iyo Deganaan iyo Dulqaad.
Ninka aan Ciyaartaas
sida fiican aan aqoon badan ulahayn waxuu inta badan ku mashquula Leynta Askarta iyo Saraakisha Difaaca ugu
jirta ee ilaalinaya Boqorada . laakin Ninka Xariifka ahi Waxuu muujiyaa dulqaad
badan ,waxuuna Abuuraa Hal Fursad oo Qaali ah kadibna Jaanis Fiican markuu Helo
Ayuu Ciyaarta Gabigeedaba waji kale uyeelaa oo uu Halkaas ku badiyaa.
Markaas Ninka aan
ciyaartaas Fahansaneyni Wuu Ku lumaa. oo wuu ambadaa.
Halka Qolada Xukuumada ee
Muxaafidka ah oo garab ka heleysaa qaar kamid ah Ururada aan qaangaadhka ahayn
ee ismooday iskuna dhererinaya Xisbiyada waa wayn. Group kaasi Waxay aad
Uciyaaraan Ciyaarta Laadhuuda layiraahdo
Waana ciyaar fudud oo
qof walba uu ciyaari karo maadama aanay ahayn ciyaar Strategic plan kudhisan .
Ciyaarta laadhuuda
layiraahdo mar way kaa farxineysaa oo waada Six miidhan bay kusiineysaaa, oo
markasta oo SIgis badan kusiiso waad badineysaa, Marna way kaa Nixineysaa oo
Yeeg iyo Doo Waxaan ahayn kusiin mayso oo taayar kuu rogmi maayo.
Markaad laadhuuda
Ciyaareyso inaad Sigisyo badan ama
markasta nambar lix hesho kuma xidhna inaad caqli iyo karti badanba leedahay ee
waa nasiib marba QULUXDA laadhuuda lagu ciyaarayo waxii kaaga soo baxa.aad nasiibsato
Sidaas Awgeed
Xildhibaanada Saaxibaday ah Waxaan leeyahay in badan bay Ciyaartu idinka
farxisay oo (No six ) sigis yo badan ay
idin siisaye oo aad qosleyseene , ee Saaxiibayaal Idinkoon Cadhoon Iimaan sada
Ciyaartu markay YEEG IYO DOO idin siiso
Siyaasadu Waa Game
Markasta oo jaanis laiska helana Laisma Cafiyo Buna laisma amaahiyo, Marka
jaanis lagaa helana waad ku qasban tahay inaad aqbasho
Waxaan Arkayay Qaar
kamid ah oo Xildhibaanada aanu saxibka nahay oo ilaa shalay ilaa maanta
Hadlayay oo Arrinta Golaha ka hadlayay oo lahaa Kooram la,aan baa wax la
ansxiyay, iyagoo si cad isku indho tiraya oo arkayay qaar badan oo iyaga kamid
ahna ay golaha fadhiyeen markii kooramku shalay noogu furmay 52 Xildhibaan.
Saaxibadeey
xildhibaanada ah waxaan xasuusinayaa
QODOBKA 43AAD ee xeer
hoosaadka golaha wakiiladu .Marka Mooshin golaha lakeeno waxaa lagu ansixiyaa
Cod Aqlabiyad fudud oo 27 xildhiban ah iyo waxii kabadanba , Wax ka badalka iyo
kaabista xeerkana waxaa ansixiyay 33 xildhibaan oo markaas golaha fadhiyey,
sidaas ayuuna sharci kuyahay marka sharci laga hadlayo.Sidaas ayuuna Maanta
Guuritda loogu gudbiyey oo hada Golihii Guurtida ayuu yaala.
Sidoo kale Sida uu
qabo Qodobka 25aad ee Xeer hoosaadka
Golaha Wakiilada Firqadiisa 5aad waxuu leeyahay Hadii Xubnaha Jooga Golaha ee
aan ka qayb qaadan codbixinta , Ama iyadoo codbixinta Gacan taag ah lagalayo
hadii xildhibaanku dibada ubaxo waxaa loo xisaabinayaa sida codadka xubnaha
aamusay oo kale. Waana sababta loo yidhi waxaa ka aamusay 19 xildhibaan .
Waxaan Usheegayaa
Saaxibadeyda Xanaaqsan Isku Heli maysaan Inaad Shaqadii laidin dhaariyey iyo Waajibkiina shaqo ee qaranka aad
gudan lahaydeen inaad kaga Mashquusheen Inaad Wasaaradaha iyo Xurmaha Dawlada
maalin kasta Hortaagnaatan oo aad Mashaariic Raadis kujirtaan iyo inaad danihiina gaarka ah ku mashquusheen
.Qaar kalena ay Busy ku yihiin Raacista iyo Daba Gucleynta Madaxwayna isla
markaana fadhigii golaha aad ka
maqnaatan, Iyo Marka Xildhibaanada Shaqadooda Daacada uah ee sida maalin laha
ah golaha usoo xaadira ay waajibaadkooda
shaqo Gutaan Inaad Emotions kiina Control usameen kari waydaan oo aad
cadhootaan ilaa heer aad Gole Kooram 52 Xildhibaan kufurmay aad tidhaahdaan
kooramku muu buuxin markii xeerka la, ansixinayay.
Siyaasadu Waa Game
Markasta oo jaanis laiska helana Laisma Cafiyo Buna laisma amaahiyo, Marka
jaanis lagaa helana waad ku qasban tahay inaad aqbasho oo jaanisyadu waad badan
tihiine jaaniskiina kale iska suga isha allah ,
Waxaan kusoo Gabagabeynayaa hadalkeyga Hadii
ARdaygu ka Saaqido ama uu caadeysto inuu
dibada uga baxo Class ka Marka Casharadu Socdaan ,Hadhowna Yidhaahdo Siduu
iidhaafaa Caharkii Labixinayay ,Kitaab alla Kitaab ay ku taalana majirto inuu
intuu soo noqdo Yidhaahdo Casharkii hala iigu celiyo. Sidaas awgeed saaxibaday
waxaan leeyahay dib iskugu noqda kuna dedaala inaad fadhiga golaha si joogta ah
usoo xaadirtaan, Hadii kale sidaas unbay maalinta Casharo mihiim ah ay golaha kasocdaan ay casharadu idiin dhaafi doonaan oo ay
ardayda kalena ay uga faaideysan doontaa .
Ugu dambeyn Waxaan
Halkan Idinku soo Gudbinayaa Liiska Xildhibaanada 52 ka ahaa ee markii Kooramku
Goluhu Furmayay Hoolka Dhexdiisa Golaha
Dhexdiisa Fadhiyay
Liiska Magacyada
Xildhibaanada Golaha Fadhiyay ee kooraamku markuu furmayay kamid ahaaa 52 kii
xildhibaan ee golaha fadhiyay isla
markaana ahaa kuwii Ansixiyay labada xeeer ee Codka iyo Gacantaba utaagay
………………………………………………………………………………………………………
1. Xildh Axmed Jaamac
Saalax Maxamed
2. 2Xildh Axmed Maxamed
Hurre Ducaale (Barkhad)
3. Xildh Axmed Muuse Jaamac Diiriye
4. Xildh Axmed Yaasiin
Maxamed Xasan
5. Xildh Axmed Yuusuf
Nuur Guruuje
6. Axmed Cabdi Ducaale (Walhad
7. XIldh Bakhad Jaamac
Xirsi Batuun
8. Xildh Cabdiixakiim
Hugur Cabdi Guuleed
9. Xildh Cabdikariim
Aadan Cali Dubad
10. Xildh Cabdikariim
Aadan Cumar Dhirane
11. Xildh KhadarGuun
12. Xildh Cabdiqani
Maxamed Aadan
13. Xildh Cabdiraxmaan
Yuusuf Maxamuud (Badheedha)
14. Xildh Cali Xaamuud
Jibriil Faarax
15. Xildh Cumar Jaamac
Faarax Axmed
16. Xildh Eng Axmed
Cabdi Ibraahim (Timo-Jilic)
17. Xildh Faysal Yuusuf
Jaamac Xaashi
18. Xildh Maxamed Abiib
Yuusuf Jaamac
19. Xildh Maxamed
Jaamac Ismaaciil (Koodbuur)
20. Xildh Maxamed
Khadar Daahir Mooge
21. Xildh Maxamuud
Faarax Jaamac Maxamuud
22. Xildh Mubaarig
Xuseen Maxamed (Xeel-Dheere)
23. Xildh Mubaarik
Muuse Ismaaciil Xuseen
24. Xildh Mukhtaar
Xasan Maydane Shirdoon
25. Xildh Nuuradiin
Axmed Dayib Cabdiraxmaan
26. Qaasim Aadan
Saleebaan Cali
27. Xildh Saleebaan
Nuur Warsame Faarax (Food)
28. Xildh Siciid Jaamac
Xasan Maxamed
29. Xildh Siciid
Maxamed Ismaaciil Diiriye (Sokeeye)
30. Xildh Xasan Axmed
Cilmi Geelle (Xasan Kayse)
31. Xildh Xasan Cumar
Xasan Rooble (X.Ogaal)
32. Xildh Xuseen Aadan
Cabdi Axmed
33. Xildh Xuseen
Ismaaciil Jaamac Xirsi (Budul)
Waxan kale oo aan
halkan Idinkula wadaagayaa iyagana
Liiska Xildhibaanada ee
Kooramkii Golaha Lagu Furay Fadhiyay, Balse Markii Mooshinka Loo codeynayay
Golaha Dibada Uga baxay ………………………………………………………………………………………………………….
Fiiro Gaar ah
19 kaas xildhibaan
ee Hoos ku Xusan 7 kamid ah markii uu
kooramkii goluhu furmay Waxay fadhiyeen Golaha laakin markii dambe waxay
ubaxeen suuqa oo markii layidhi golihii baa mooshin lakeenay inta taleefano loo
diray ayaay qaarkooda yimaaden .laakin markii mooshinka golaha lakeenay waxaa
fadhiyay 12 kamid ah 19 ka xildhiban
1 Xildh Aadan Cismaan
Xarbi Cawaale
2 Xildh Abiibakar
Siciid Cali Gaboobe
3 Xildh Abokor Faarax
Warsame Caga-Yare)
4 Xildh Gu/ku SIciid
Mire Giire
5 Xildh Maxamed Xassan
Siciid
6 Xildh Axmed Cabdi
Muuse Cige (Inni)
7 Xildh Axmed Maxamed
Maxamuud Xasan (Kaare)
8 Xildh Axmed Maxamuud
Cabdillaahi Jaamac (Fanax)
9 Xildh Axmed Xasan
Cali Yuuusf (Casoowe)
10 Xildh Cabdikariin
Maxamed Muxumed
11 Xildh Maxamed
Cismaan Maxamed (Limo)
12 Xildh Cabdillahi
Muuse Cabdi Cawaale
13 Xildh Cali Jaamac
Caraale ( Cali Qaran)
14 Xildhi Eng Xirsi
Cabdilaahi Xirsi
15 Xildhi Jamaal Aadan
Diiriye
16Xildh Maxamed Jaamac Raamboo
17 Xildh Yaxye
cabdilaahi Amiin (Aarshe)
18 Xildh Sh ahmed Dayib
( Kucadeeye)
19 Xildh Jamaal Cali
Aadan (Jaaha)
Iyagu Umada Huasheegeen
Golaha uu Kooramkiisii 52 Xildhibaan Ku furmay, Halka Kooram La,aan Sharci
Darro ah wax lagu ansixiyay
Wabilaahi Tawfiiq
Xildh Xildhibaan
Ahmedkhaliif Jama Salah
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!