Falcelintayda Aqooneed Ee Ku Saabsan Daraasadda Akaadamiyadda Nabadda Iyo Horumarinta Somaliland
Si aanu qoraalku inoogu
dheeraan, aan gudagalo.
1. THE METHODOLOGY —
sida daraasadda qoraalka ku cad, qaabka muunadda (Sampling-ka) loo qaatay, waxa
la raacay nidaamka ah "Non-random sampling". Nidaamkani ceeb weyn buu
leeyahay, haddii daruuro la macneeyay aanay keenin. Ceebtiisu waa in cidda
daraasadda samaynaysaa ay iyadu kala doorato cidda jawaabta bixinaysa iyo cidda
kale. Halkan waxa ka soo bixi karta eex uu caddaynayo qoraalka daraasaddu. Si
fudud ayay u garan kartaa cid kasta oo aqoon u leh daraasadda iyo muunadeedu.
Mohamed Farah Hersi, isaga oo og ceebta halkaa ku jirta, ayuu afkiisa ka
sheegay wax aan daraasadda ku qornayn oo uu yidhi waxa aanu raacnay
"Random sampling" oo ah ta fiican, ase aan la raacin.
2. THE TITLE & THE
CONTENTS OF THE STUDY — ciwaanka daraasadda iyo macluumaadka gudaha ku jira.
Ciwaanka daraasaddu waxa weeye "Public polling: Somaliland's 2022
elections". Waxa qofka akhriyaya ku soo dhacaysa "Ma doorashooyin
dhacay ama dhacaya ayaa jira 2022?" Hadii kuwii muddaysnaa loo jeedo, waa
in ciwaanka lagu caddeeyo taas. Dhanka kale, daraasadda waxa ku jira
aragti-cabbir ku saabsan Madaxweynaha iyo xukuumaddiisa. Waxa la isweydiin
karaa ciwaanka iyo macduucani halkee ayay iska soo galayaan. Qiimaynta aragtida
laga qabo Madaxweynaha iyo xukuumadiisu ma 'doorashaa' la yidhaa? Haddii la
odhan lahaa qiimayntaa doorashada lala xidhiidhinayaa, ma jirto hal meel oo ay
daraasaddu ka xidhiidhisay labadaa isir. Sidoo kale, daraasaddu waxa ay
leedahay saddex ujeeddo. Mid kaliya oo ka mid ah saddexdaa ayaa doorasho la
xidhiidha. Labada kale waxa ay la xidhiidhaan labada isir ee kala ah: a)
aragtida bulshada ee ku saabsan Guurtida, Madaxweynaha iyo xukuumadiisa,
diiwaangelinta ururada iyo Komishanka Doorashooyinka Qaranka; b) heerka fahanka
siyaasiga ah ee muwaadiniinta Somaliland. Haddii labadan ujeeddo si uun loola xidhiidhin
lahaa doorasho, ma jirto hal meel oo daraasadda kaga cadahay arrintaasi.
3. THE LITERATURE —
kaydka cilmiga ah ee la xidhiidha mawduucyada daraasaddu ku saabsan tahay ayaa
had iyo lagu macneeyaa. Waxa dibadda la soo bandhigaa tilmaamayaasha aragtiyaha
kala duwan ee mawduucyadaa ku saabsan. Sidaas awgeed, 95% lagagama hadal
mawduucyada daraasadda khuseeya si waafaqsan ujeedooyinka daraasadda
(Objectives of the study). Tusaale ahaan, kolka laga hadlayo Siyaasadda,
Xisbiyo, Doorashooyin iyo aragta bulshada qabiilada u qaybsan ee Afrika, cilmi
ahaan waxa kugu soo dhacaya "The Concept of Segmented Lineage".
Literature-ku kama hadlayo. Sida mawduucaasi uu u saameeyo aragtida siyaasiga
ah ee bulshada lagama hadlayo. Tilmaamayaashiisa lagama hadlayo. Waxa la mid ah
ah arrinta "Political Consciousness". Waa mawduuc weyn oo la
xidhiidha fahanka siyaasadda ee bulshada. Literature ku saabsan kuma arkaysid
daraasadda. Tan caksigeeda, waxa literature ku qoran wax aan inta badan la
xidhiidhin mawduuca sida isha xogta oo TV-yada lagu sheegay.
4. FINDINGS —
Natiijooyinka daraasadda iyo sida loo macneeyay qaar ka mid ah:-
— Daraasaddu waxa ay tilmaantay in Komishanka
Doorashooyinka Qaranka kalsooni weyn lagu qabo. Aragtida dadka maxaa qaabeeyay
kolka taas la eego? Waxa qaabeeyay in qiimaynta Komishanka lagu saleeyay keliya
doorashadii 2021. Waxa muuqata in qaabka su'aalaha loo diyaariyay ay keentay
taas. Asalkuna waxa uu ka yimid inaan la macnayn "Maxaa keensada in haayad
la aamino ama la aamini waayo kolka laga hadlayo waaqiceena?" Sidaas
darteed, halkaa waxa ku jira isku-qaadid caqligu diidayo (Hasty generalization
fallacy). Komishanka kalsoonida lagu qabaa ma aha arrin ku xidhan Institution.
Waa arrin ku xidhan xubnaha iyo kolba dareenka laga qabo oo qabyaalad, cidda la
geeyo iyo isiro kale ay weheliyaan. Arrintani waxa ay iyadoo sidaas ah ku qoran
tahay gabagabada daraasadda (Conclusion).
— Daraasaddu waxa ay soo saartay in Kulmiye la
taageersan yahay 25.3%, WADDANI 28.3%. Sidoo kale, waxa ay tilmaantay in Madaxweyne
Muuse la taageersan yahay 32%, halka Cirro 32.9% tahay. Halkan farqi baa ku
jira. Waa maxay sababta keentay in farqigani uu ku yimaado Musharaxa iyo
Xisbiga. Daraasaddu may macnayn arrintan.
— Daraasaddu marka ay
ka hadlayso ku-qanacsanaanta bulshada ee Madaxweynaha, waxa ay qaadatay
"Ordinal scale". Kolka laga hadlayo ku-qanacsanaanta waxa ay u
qaybisay "Ku-qanacsan" (Satisfied), "Aad ugu qanacsan"
(Highly satisfied), iyo "Aan ku qanacsanayn" (Dissatisfied). Tan
caksigeeda, daraasaddu marka ay cabbirayso cidda "Aan ku qanacsanayn"
Madaxweynaha iyo xukuumadiisa, waxa kaliya ee ay qaadatay "Aan ku
qanacsanayn" (Dissatisfied). Wey ka tagtay cabbirkii kale ee ahaa
"Aan Aad ugu qanacsanayn" (Highly dissatisfied). Waayo?
— Daraasaddu bogga
9aad, iyadoo xiganaysa qoraal uu sameeyay isla Mohamed Farah, Agaasiimaha APD,
waxa tilmaantay in Golaha Guurtidu uu wax-ka-bedel iyo meel-marin ku leeyahay
xeerarka ka soo baxa Golaha Wakiilada. Arrintani sidaa sax kuma aha, sida ku
cad qodobka 61aad, farqadiisa 2aad ee dastuurka JSL. Xeerarka ay wax-ka-bedelka
iyo ansixinta ku leeyihiin waxa ka reeban miisaaniyadda. Arrintaasi ma qorna,
waana wax khilaafsan dastuurka dalka.
— Daraasaddu waxa ay
tilmaantay in 31.8% ay ku qanacsan yihiin Madaxweynaha iyo xukuumadiisa 18.1%
ay aad ugu qanacsan yihiin. Kolka laga hadlayo xidhiidhinta maxsuulka, labadan
cabbir (Ordinal scale) waxa ay wadaagaan ku-qanacsanaanta. Daraasadda iyo
waraysi uu Mohamed Farah siiyay Gallaydh Media labadaba waxa lagu sheegay hadal
odhanaya "Kolka la isku daro inta Madaxweynaha ku qanacsan iyo inta
dhexdhexaadka ah, waxa ay isku noqonayaan 79.4%". Sidee la iskugu dari
karaa laba ordinal scale oo kala macluumaad sheegaya si tiro loogu badsado?
Arrintani waa marin habaabin iyo gabbood-fal. Hadda mar qudha waraysiga iyo
daraasadda midna laguma odhan "Inta Madaxweynaha aan ku qanacsanayn (
11.8%) iyo inta dhexdhexaadka ah (29.5%), waxa ay isku noqonayaan 41.3%".
Waa marinhabaabin.
— Bogga 21aad ee
daraasadda waxa lagu qoray: "The average, therefore, 79.4% of the
respondents were...". Halkan waxa ku jira khalad weyn oo xisaabeed. 79.4%
waxa uu ka yimid wadarta 31.8% + 29.5% + 18.1%. Waa wadartii guud ee saddexdaa
tiro. Waxa la isweydiin karaa "halkee laga keenay ereyga celcelis
(average). Average waxa la soo saari karaa kolka saddex loo qaybiyo 79.4%.
Arrintani waa marinhabaabin kale. Waa wax dhaawici karaa kalsoonida daraasadda,
xirfadda cidda daraasadda samaysan iyo sumcadda APD.
— Daraasaddu kolka ay
macnaynayso sababta 29.5% ka mid ah jawaabayaashu ay dhexdhexaad u noqdeen,
waxa ay tidhi: " ... can be explained" oo ah waxa lagu macnayn karaa?
Karaa mise jawaabayaashu yidhaahdeen? Sidoo kale, waxa ay daba dhigtay in
xukuumadan iyo kuwii hore aanay waxba ku kala duwanayn. Waxa la isweydiin karaa
"daraasaddu ma isbarbardhig u dhaxeeya xukuumada hadda jirta iyo kuwii
hore ayay samaynaysay mise xukuumada hadda jirta ayay qiimaynaysaa arragtida
dadku ka qabo?
Halkan aan ku ekeeyo.
Maxaad ku dari kartaa haddii aad daraasadda akhriday?
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!