Kullanka Madaxweynaha Iyo Dhallinyarada Ee Berbera." Wax Aad Ogtahay Ma Kuu Sheegaa"

0
Friday September 23, 2022 - 08:51:04 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 658
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kullanka Madaxweynaha Iyo Dhallinyarada Ee Berbera." Wax Aad Ogtahay Ma Kuu Sheegaa"

    W/Q: Mohamoud M. Jama

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Mohamoud M. Jama


Hadalhaynta ugu baddan ee ka jirtay maanta magaalada Berbera, gaar ahaan goobaha ay bulshadu ku kulanto, wuxuu ahaa kullanka madaxweynaha iyo dhallinyarada. Siyaabo kala duwan baa loo sii faalaynayay, waxaana la iska weydiinayay su'aalahan. Dad noocee ah baa loo xulay ? ma dad la soo dhabar taabtay oo been masheegayaala ah.? Ma shaqaale dawladeed baa? Ma dad madax bannaan baa?



Yaa xulaya dhallinyarada la rabo inay matasho dhallinyarada kala duwan ee magaalada?

Su'aalaha marka aynu ka nimaadno oo jawaabtooda aynu heli doono kullanka ka dib.


Anigu waxaan is weydiiyey labba su'aalood oo kala ah 1. kullanka madaxweynaha iyo dhallinyaradu ma sirbaa waxa lagala hadlayaa? 2. Yaa matali kara dhallinyarada Berbera? Jawaabta su'aasha kowaad aan ku horeeye, kullanka madaxweynaha iyo bulshadu sir ma aha waxa laga hadlayaana waxa weeye "wax aad ogtahay ma kuu sheegaa" dhammaan baahiyaha aasaasiga ee ay bulshada Berbera cabatinkeeda ay ka simanyihiin wuu ogyahay madaxweynuhu, madaxda kale ee wasiiro, xildhibaano, maamul gobol iyo degmaba leh way ka dharagsanyihiin. Ma laydh baa, ma biyaa, ma caafimaad baa, ma shaqo la'aanba iyo iyo wad uun.


Jawaabta labbaad waxa weeye matalaada, iyadda oo fudud waxa weeye dhammaan dhibaatooyinkaas aynu kor ku soo sheegnay ma qabo dadkaas la kulmaya in aan laga waayaynin cid intaas sheegta, sidoo kalena ma qabo qof kullankaas fadhiya oo odhanya muddane madaxweyne leydhka Berbera waanu ka haqab beelay, ma googo, ee ducada uun noogu dar.


Gabagabada aan ku soo dhawaade, muhiim ma aha cida la kulmaysaa iyo waxa ay weydiin doonaan, ee waxa bulshadu u dhagtaagaysaa jawaabaha madaxweynaha iyo wuxuu ka odhan doono dhibaatooyinkan qaarkood 7 jirsadeen sidda laydhka Berbera.

Mohamoud M. Jama

Berbera.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...