Dacwad Lagu Soo Oogay Dad U Badan Soomaali Oo Dowladda Mareykanka Lacag Ka Dhacay
Dacwad oogeyaasha
Mareykanka ayaa maxkamad la tiigsanaya 47 qof oo lagu eedeeyay inay ku lug
leeyihiin fadeexaddii musuqmaasuq ee ugu weyneyd ee dhacday muddadii uu jiray
cudurka Covid-19.
Shakhsiyaad Soomaaliya
kasoo jeeda, oo saldhiggoodu yahay Mareykanka balse xiriirro la leh dad ku
sugan Kenya, ayaa ka mid ah dadka dacwadaha lagu soo oogay.
Dadka la tuhunsan yahay
ayaa loo heystaa inay si sharci darro ah ku qaateen lacag dhan $250m (£220m) oo
qeyb ka ahayd dhaqaale ay dowladdu ugu talogashay in lagu quudiyo carruurta
baahan inta uu socday safmarka Covid.
Lacagtaas ayaa la
sheegay in eedeysaneyaashu ay u isticmaaleen inay ku fushadaan danahooda gaarka
ah, iyagoo ku iibsaday hanti isugu jirta gawaari iyo waxyaabo kale oo qaali ah.
Booliska federaalka
Mareykanka ayaa Talaadadii shaaciyay magacyada eedeysaneyaasha oo dhammaantood
lala xiriiriyay haweeney lagu magacaabo Aimee Bock, oo ah aasaasaha iyo
agaasimaha shirkad lagu magacaabo "Feeding Our Future”, oo ah hay’ad aan
dhaqaale-doon ahayn oo ka qeyb qaadaneysay maalgelinta Barnaamijka ay dowladda
federaalka Mareykanka ugu talogashay quudinta carruurta ee gobolka Minnesota.
Haweeneyda la
magacaabay ayaa dhankeeda sheegtay in aysan khalad sameynin. Qareen u doodaya
Bock ayaa BBC-da ku yiri: "Laga soo billaabi maalintii ugu horreysay, waxaan
mar walba muujineynay in aannaan wax dambi ah lahayn.” Christopher Wray, oo ah
agaasimaha Hay’adda Dambi-baarista Federaalka Mareykanka (FBI), ayaa sheegay in
arrintan oo ah "fal argagax leh” ay ahayd tii ugu weyneyd ee abid shaaca laga
qaado.
"Dacwadaha maanta la
soo oogay waxay qeexayaan qorshe naxdin leh ee la maleegay si loo xado
deeq-bixin dadweyne oo loogu talagalay carruur caawimaad u baahan, taas oo ka
dhigan habkii ugu ballaarnaa abid ee lagu qiyaano gargaar loogu talagalay
cudurka safmarka ah,” ayuu yiri Christopher Wray.
Dadka la tuhunsan yahay ayaa lagu eedeeyay
inay dalbadeen lacago lagu bixinayo raashin aan la siinin carruurta, sida lagu
sheegay bayaan ay soo saartay Waaxda Caddaaladda. Andrew M.
Luger oo ah
Dacwad-oogaha Degmada Minnesota ayaa yiri: "Tuhmaneyaashu waxay si qaldan u
isticmaaleen barnaamij loogu talagalay in cunto nafaqo leh lagu siiyo carruurta
u baahan intii uu jiray cudurka safmarka ah ee COVID-19.
Taas beddelkeeda, waxay
mudnaan siiyeen damacooda gaarka ah, iyagoo xaday in ka badan rubuc-bilyan
doollar oo dhaqaalaha federaalka si ay ugu iibsadaan gawaari raaxo, guryo,
agabka loo xirto in la isku qurxiyo iyo inay dibadda ka iibsadaan meelaha
xeebaha ah ee lagu raaxeysto.”
Lix dacwad oo lagu soo
oogay dadkaas oo 47 qof ah waxaa ku jira bixin xog marin-habaabin ah, lacag
dirid qiyaano ah, lacag isdaba-marin sharci-darro ah iyo laaluush.
Qoraalka Waaxda
Caddaaladda ee Degmada Minnesota waxaa lagu sheegay in eedeysaneyaasha ay dhaqaalaha
mashruuca u adeegsadeen gaadiidka raaxada, dhismeyaal deegaan ah iyo kuwo
ganacsi oo ku yaalla Minnesota iyo hanti ay ku sameysteen gobollada Ohio,
Kentucky, guryo ku yaalla Kenya iyo Turkiga iyo inay ku bixiyeen safarro heer
caalami ah.
"Iyadoo la kaashanayo
hay’adaha kala duwan ee dowladda, Waaxda Caddaaladda waxay sii wadi doontaa
caddaalad hor-keenista kuwa cudurka safmarka ah uga faa’ideystay dano
shakhsiyadeed ee xatooyada ku sameeyay canshuur-bixiyeyaasha Mareykanka,” ayuu
yiri Merrick B.
Garland oo ah Dacwad-oogaha guud ee Mareykanka.
Minnesota waxa uu marti geliyaa soo-galooti badan oo ka tagay Bariga Afrika,
kuwaasoo u badan dad ka tagay Soomaaliya iyo Itoobiya.
Muxuu yahay barnaamijka lagacta laga xaday?
Barnaamijka Quudinta Carruurta ee Federaalka
oo ay maamusho Waaxda Beeraha ee Dowladda Mareykanka (USDA), waxaana
dhaqaalihiisa loo bixiyaa qaab federaal ah si raashin bilaash ah loo siiyo
carruurta u baahan.
Intii uu jiray cudurka
COVID-19, USDA waxay joojisay qaar ka tirsan shuruudihii ka qeybgalka
barnaamijka, iyadoo oggolaatay in maqaayado faa’iido-doon ah iyo qeybo ka
baxsan barnaamijyada waxbarashada ay qeyb ka noqon karaan.
BBC