Maraykanka oo Noqday dalka Alaabta ugu badan ka Iibsadda dalka Kenya

0
Friday September 23, 2022 - 07:47:22 in News by A. Asbaro
  • Visits: 837
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maraykanka oo Noqday dalka Alaabta ugu badan ka Iibsadda dalka Kenya

    NAIROBI(HWN):-Warbixin ka soo baxday Xafiiska tiro-koobka qaranka ee dalka Kenya ayaa muujisay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

NAIROBI(HWN):-Warbixin ka soo baxday Xafiiska tiro-koobka qaranka ee dalka Kenya ayaa muujisay


NAIROBI(HWN):-Warbixin ka soo baxday Xafiiska tiro-koobka qaranka ee dalka Kenya ayaa muujisay in Maraykanku uu ka sare maray dalka Uganda oo ah, dalka alaabta ugu badan ka iibsada dalka Kenya.



Xogta ka soo baxday Xafiiska tiro-koobka qaranka ee Kenya ayaa muujinaysa in intii u dhexeysay bilihii January illaa June ee sannadkan 2022, in alaabta ay Kenya u dhoofisay dalka Maraykanku inay gaadhayso illaa 38.8 bilyan oo ah lacagta Kenya oo u dhiganta illaa $321 Milyan oo doollar.

Alaabada loo iib-geeyo dalka Uganda ayaa iyagu hoos ugu dhacay illaa $300 oo Milyan oo dollar.

Sida lagu sheegay warbixintan cusub, korodhka ku yimi alaabooyinka loo iib-geeyo dalka Maraykanka ayay ugu wacan tahay iibka dharka Kenya oo suuq wanaagsan ka helay Maraykanka.

Dhaqaale-yahanno uu ka mid yahay Ken Gichinga ayaa sheegay in tirooyinkani ay calaamad u yihiin, xidhiidhka dheer ee dalka Kenya ay la leedahay dalka Maraykanka oo ay ku jiraan korodhka duulimaadyada isaga kala goosha Nairobi iyo New York.

"Maraykanku waxay ku leeyihiin awoodda wax iibsiga oo ka weyn tan Kenya," ayuu yidhi Gichinga. "Waxaad ogaaneysaa in maalgashadayaasha Mareykanku ay heli doonaan waqti aad u wanaagsan si ay u awoodaan inay ganacsi iyo maalgashi ka bilaabaan Kenya, sababtoo ah, haatan waxaa taageeraya suuqa dhaqaalaha” ayuu sii raaciyey.

Uganda ayaa ahayd dalka ay ganacsatada reer Kenya u dhoofiyaan alaabta ugu badan muddo toban sano ah.

Hase ahaatee waxaa hoos u dhigay alaabooyinkii laga qaadi jiray dalka Kenya ka dib markii Maalgashadayaal kala duwani ay Wersheddo ka dhiseen gudaha dalka Uganda.

Loading...
Loading...