Daraasad Lagu Ogaaday Hab Fekerka Siyaasadeed Ee Shacabka Somaliland

0
Thursday September 22, 2022 - 18:41:52 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1716
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daraasad Lagu Ogaaday Hab Fekerka Siyaasadeed Ee Shacabka Somaliland

    Daraasad Lagu Ogaaday Hab Fekerka Siyaasadeed Ee Shacabka Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Daraasad Lagu Ogaaday Hab Fekerka Siyaasadeed Ee Shacabka Somaliland


Hargeisa(HWN):-Daraasad lagu sameeyay shacabka Somaliland ayaa lagu ogaaday heerka aaminsanaanta shacabka ee qaranimada Somaliland, heerka taageerada ay u hayaan xisbiyada siyaasada, halka ay ka taaganyihiin khilaafka siyaasadeed iyo arrimo kale oo muhiima.



Daraasadan oo ay Akadamiyada Nabada Ee Somaliland ka samaysay 6-da gobol ee Somaliland, ayaa lagu ogaaday in shacabka Somaliland ay 95% ku qanacsanyihiin madaxbannaanida Somaliland, ayna rabaan in ay ku sii socdaan jidka gooni isu taaga.

Shacabka ayaa sidookale baadhayaashu wax ka waydiiyeen ta ay doonayaan in ay soo horayso doorashada madaxtooyada iyo doorashada urrurada, waxayna 80% u codeeyeen in doorashada madaxtooyadu soo horayso, halka ay furista urrurada siyaasadana ku taageereen cod dhan 84%.

Waxa kale, oo shacabka la waydiiyey cida ay dooran lahaayeen haddii imika ay tartamaan Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, Musharax Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo Guddoomiye Faysal Cali Waraabe, 32.9% ayaa sheegay in ay dooran lahaayeen Musharax Cirro, 32%-na waxay sheegeen in ay dooran lahaayeen Madaxweyne Biixi, halka ay 3.7% sheegeen in ay u codayn lahaayeen Guddoomiye Faysal, laakiin 31% ayaa sheegay in aanay midkoodna doonayn.

Daraasada ayaa sidoo kale, lagu ogaaday in 49% shacabku ay qabaan in Madaxweynuhu shaqadii loo doortay ka soo baxay, 29% ayaa sheegay in uu waxna qabtay waxna u dhiman yihiin oo dhexdhexaadnimo qaatay, halka 15% ay sheegeen inaanay ku qanacsanayn wax qabadka Madaxweynaha.

Shacabka oo wax laga waydiiyay cida ay taageeri lahaayeen hadii Saddexda xisbi ee hadda joogaa ay ku tartamaan doorashada urrurada ayay 28% ka mid ahi sheegeen in ay u codayn lahaayeen WADDANI, 25% ayaa sheegay in ay u codayn lahaayeen KULMIYE, halka 3.7% ay sheegeen in ay u codayn lahaayeen xisbiga UCID.

Waxa kale oo la waydiiyay haddii ay u dagaalami karaan Xisbi ama siyaasi, iyo halka ay ka taagan yihiin mudo kordhin Madaxweynaha loo sameeyo, 74% ayaa sheegay in ayna u dagaalamayn Xisbi ama Siyaasi dartii, halka 9% ay sheegeen in ay u dagaalamayaan, dhinaca kale 48% ayaa ogolaaday in madaxweynaha mudada loo kordhiyo halka 40% ay ka soo horjeesteen.

Daraasadan oo aynu kasoo qaadanay qodobada taabanaya arrimaha siyaada oo kali ah, ayaa soo bandhigtay xaqiiqooyin kale oo taabanaya nolosha dhaqan dhaqaale ee bulshada, sida heerkooda aqooneed iyo arrimo kale oo tirro badan.

Loading...
Loading...