Maxkamadda Gobolka Togdheer oo Burburisay 222 litir oo Khamri ah Xukun iyo Ganaaxna ku Ridday Ninkii lagu Qabtay

0
Thursday September 22, 2022 - 14:07:25 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 574
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxkamadda Gobolka Togdheer oo Burburisay 222 litir oo Khamri ah Xukun iyo Ganaaxna ku Ridday Ninkii lagu Qabtay

    Garsoore Cali Ismaaciil Muxumed oo ku dhawaaqay xukunka Maxkamadda gobolka Togdheer

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Garsoore Cali Ismaaciil Muxumed oo ku dhawaaqay xukunka Maxkamadda gobolka Togdheer



Maxkamadda gobolka Togdheer ayaa xukun ciqaabeed iyo ganaax lacageed ku ridday nin iyo gaadhi uu watay oo ciidanka booliska gobolka Togdheer ku soo qabteen 10 kartoon oo Khamri ah oo uu siday.


 

Maxkamadda Gobolka Togdheer ayaa ku xukuntay Cabdirisaaq Deeq Shugri shan sano oo xadhig ciqaabeed ah ka dib markii ay xeer illaalinta gobolka Togdheer hor gaysay Maxkamadda eedaysanaha iyo khamrigii uu siday iyo gaadhi saruf ah oo uu ku soo qaaday oo ciidanka booliska degmada Duruqsi ee gobolka Togdheer ay gacanta kusoo dhigeen.



 

Garsoore Cali Ismaaciil Muxumed oo ku dhawaaqay xukunka Maxkamadda gobolka Togdheer ay ku ridday Cabdirisaaq iyo tirade Khamriga lagu qabtay,ayaa yidhi. "Maxkamadda gobolka Togdheer waxay u fadhiisatay dacwad ciqaab ah,dacwaddaas oo ku lid ahayd eedaysane Cabdirisaaq Deeq Shugri oo soddon jir ah,kaas oo lagu eedaynayay qodobka afraad oo maandooriye ah in uu ku gefay laguna qabtay soona qabteen ciidanka booliska ee saldhigga degmada Duruqsi ee gobolka Togdheer kuna soo qabteen meel u dhaw tuulada Harada gubataxil.


 

Manta(shalay) ayuu xafiiska xeer illaalintu hor keenay Maxkamadda isla manta(shalay) way dhegaysatay,markii eedaysanaha loo akhriyay xaashida eedda waxaa uu eedaysanuhu Maxkamadda u qirtay in uu Khamrigaa waday oo dhammaa 10 kartoon oo ay ku jireen 222(laba boqol iyo laba iyo labaatan dhalo) oo uu kazoo qaaday Magaalada Gaashaamo ee dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, isaguna aanu lahayn balse lagu siiyay lacag dhan 800 oo Dollar,markay Maxkamddu aragtay qiraalkiisa waxay xeer illaalinta waydiisay markhaatiyaal kale waxaana Maxkamadda la hor keenay saddex markhaati oo uu ku jiro taliyihii saldhigga degmada Duruqsi.


 

Waxaanay caddeeyeen in Khamriga iyo eedaysanaha iyo gaadhi saaruf ah lagu soo qabtay,markay maxkamaddu aragtay qiraalka eedaysanaha,markay aragtay markhaatiyaasha la horkeenay Maxkamadda,markay aragtay xeerka maandooriyaha qodobkiisa 4-aad.


 

Markay aragtay Maxkamaddu qiraalka eedaysanaha iyo markhaatiyaasha waxaa Maxkamadda u caddaatay in uu dambigani dhacay,waxaanay ku xukuntay waxaana lagu xukumay eedaysanaha shan sano oo xadhig ciqaabeed ah,waxaa kale oo ay Maxkamaddu xukuntay ganaax boqolkiiba labaatan ah oo lagu xukumay gaadhiga saafurta ah ee Khamriga lagu qabtay,waxaa kale oo ay xukuntay in la bur buriyo Khamriga oo isla markiiba la burburiyay.”


 

 

Madaxa xafiiska xeer iillaalinta gobolka Togdheer Jaamac Ismaaciil ducaale oo isna ka hadlay goobta Khamriga lagu burburinayay ayaa digniin adag u diray dadka ku hawlan ka ganacsiga Maandooriyaha oo uu sheegay in aanay ka hadhayn isla markaana cid kasta oo lagu soo qabto ay kor keeni doonaan Maxkamadda.


 

Taliyaha qaybta booliska gobolka Togdheer Gaashaanle sare Cabdi Muuse Cabdilaahi ayaa dhankiisa farriin adag u diray dadka ku hawlan ka ganacsiga Maandooriya waxaanu u ballan qaaday in ay ka ciidan boolis ahaan diyaar u yihiin meel kasta oo ay isku dayaan in ay gobolka Togdheer ka soo geliyaan in ay heegan ugu yihiin ciddii ay ku qabtaanna ay sharciga hor keeni doonaan.


 

Guud ahaan ciidanka booliska Somaliland ayaa wada dagaal wayn oo ay dalka kaga badbaadinayaan maandooriyaha isla markaana waxay markasta Maxkamadaha

Loading...
Loading...