Qiso Cajiib Ah kuna waana qaado

0
Thursday September 22, 2022 - 11:44:50 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1638
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qiso Cajiib Ah kuna waana qaado

    Intuu eegay ayuu yidhi: Haa,qaybtii waa labaatan dolar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Intuu eegay ayuu yidhi: Haa,qaybtii waa labaatan dolar

Haweeney ayaa soo martay nin maskaxda ka naafo ah oo ul haysta oo dhulka wax ku sa sawiraya.


Qalbigeedii ayaa u naxariistay ninkii oo waxay weydiisay: maxaad halkan ka qabanaysaa walaal ?


Wuxuu yiri: Waxaan sawiraa Jannada oo waxaan u kala qaadaa qaybo, dedna intay dhoolla caddeysay .Markaasay ku tidhi: Ma qaadan karaa qayb ka mid ah ? Waa imisa?



Intuu eegay ayuu yidhi: Haa,qaybtii waa labaatan dolar

Waxay siisay hawenaydii labaatan dollar iyo xoogaa cunto ah wayna tagtay.

Habeenkii markay seexataywaxay ku aragtay riyo iyada oo jannada ku jirta.!!


Subaxdii, waxay uga sheekaysay riyadedii ninkeeda waxayna uga warantay qisadii dhex martay iyada iyo ninkii naafada ahaa.


Ninkii ayaa kacay oo u tegey ninkii si uu qayb uga soo iibsado janada uu dhulka ku sawirayo


Markaasuu ku yidhi: Waxaan doonayaa inaan iibsado qayb Jannada ka mid ah, waa imisa?

Ninkii wuxuu yidhi: Anigu ma iibinayo jano.


Ninkii wuu yaabay oo wuxuu ku yidhi: Shalay waxaad xaaskeyga ka iibisay qayb labaatan dolar ah

Ninkii Walaa wuxuu yiri: xaaskaagu jannada kuma doonaynin labaatan dollar Laakin waxay dhawrysay oo ay ilaali naysay aniga qalbigayga iyadoo ii naxariisanaysa


Adiguna, waxaad dooneysaa oo keliya Jannada, Jannaduna ma laha qiime go'an

Sababtoo ah soo galitaankeedu waxaa lagu helaa "kabida iyo ilaalinta qalbiyada."


Kaba oo dhawr qalbiyada dadka kale qofka

Qalbiyada iyo fikradaha dadka kale dhawra ilaaliya ixtiraama ilaahay ayaa wuxuu ku dhex bad baadiyaa khatar kasta oo ku xeeran .


Ninkii isagoo ilmayn gartayna inayna wax siintu ahayn muhum laakin ixtiramka iyo dhawrista qalbiyada dadku tahay guusha ayuu iska tagay gurigisii.


Shay dhibyar oo aad jana kuheli aan ku shegee waa saliga nabi muxamad scw.


Lawadaag walalaaladaa sher garee fadlan.


Ahmed Nacybtire

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...