Sidee Ayay Ciidanka Qaranka Somaliland Ku Gaadheen Tukaraq?

0
Thursday September 22, 2022 - 10:30:13 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1687
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sidee Ayay Ciidanka Qaranka Somaliland Ku Gaadheen Tukaraq?

    Sarreeye gaas Nuux Ismaaciil Taani, oo madaxweynaha Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sarreeye gaas Nuux Ismaaciil Taani, oo madaxweynaha Somaliland


Taliyaha ciidanka ka Somaliland sarreeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani, ayaa ka sheekeeyay taariikh ahaan iyo mar xaladihii kala duwanaa ee suurto geliyay in ciidamadda ku ay gaadhaan xuduudka bari ee dalka.



 

Taliye Taani, ayaa ka warramay taariikhda ay ciidanka Somaliland ku gaadheen Tukaraq, iyo duruufihii kala duwanaa ee loo soo maray sidii ay ciidamadda u sugi lahaayeen xuduudka dalkeenna.


 

Sarreeye gaas Nuux Ismaaciil Taani, oo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, iyo wefti uu hogaaminayay oo todobaadkii hore booqqsho ku tegay jiida hore ee fadhiisinka ciidanka ee Tukaraq, ayaa sheegay in marxalado kala gedisan ay ciidamadu u soo mareen gaadhitaankoodda Tukaraq, iyo jiidaha kale ee xuduudka ay Somaliland la leedahay maamulka Puntland.


 

Isagoo arrimahaa madaxweynaha uga warbixinayayna waxa uu yidhi "Mudane madaxweyne, halkani waa jiidii Tukaraq. In aan halkan nimaadno, amarkii aad na siisay bay ku timid. Oog waxaanu soo degnay sanadkii 1998-kii, bishii tobnaad ayaanu soo degnay. Burco ciidan ka soo sokeeyaa ma jirin.


 

Guuto qaybta 37aad ka mid ah ayaanu Darar-weyne ka soo rarnay, markaasaanu Oog soo dejinay. Aad bay ula yaabeen dadkii. Markii ay 2 bilood joogeen ayay garteen faa’iidadoodda. Xiligaa Oog laba Cariish oo yar yar ayay ahayd. Maanta na hudheello la seexdo, iyo wax waliba way ku yaalaan”.


 

 

"Meel kastoo uu ciidanku deggo, magaallo ayay noqotaa. Yagoori, Oog, Adhi Cadeeye, iyo Samakaab ba, waxay ahaayeen Cariishyo yar yar, meel waliba markuu ciidanku degay ayay magaalooyin noqdeen.

 

Shacabku iyagu na way ku faa’iideen,anagu na waanu ku faa’iidnay.


 

Taliye Taani, waxa kaloo uu sheegqy in meel kastoo ay ciidamadda qaranka Somalilanf fadhiisin ka samaystaan in qy bulshadda ku degan si wanaagsan ula dhaqmaan, isla markaana ay muujiyeen dabeecad wanaagsan.


 

"Intaa aanu soo soconay, waxaanu muujinay in dabeecad wanaagsan, aanu dadka kula dhaqanno. Dadka degaamadaa joogay, marka hore waxay noo qaateen cadaw. Laakiin, markaan wax yar la joognay waxay noo qaateen dad walaalahood ah. Waanay na soo dhaweeyaan, oo ha naga guuri na ayay nagu yidhaahdaan. Ciidankani, ciidan ka akhlaaq wanaagsani ma jirro. Dadka meelaha la degan yihiin na raali bay ka yihiin. Haddii aanay dadku raali kaa ahayn maanta goobahan ma joogeen ciidanku, anagu na dhul sidaa u dheer, maa naan soo soconeen” ayuu yidhi taliyaha ciidanka qaranka Somaliland.


 

Geesta kale Nuux Ismaaciil Taani, waxa uu ka warbixiyay dagaaladii kala duwanaa ee ay ciidamadda Somaliland la soo galeen kuwa Puntland marka laga soo bilaabo Oog, ilaa Tukaraq oo ay hadda ku sugan yihiin.


 

Waxaanu yidhi "Sidaasoo ay tahay, hada na dagaallo badan baanu ku wada galnay Puntland. Waxaanu ku dagaalanay Adhi-Cadeeye, oo dagaal xumi ka dhacay. Laascaanood baa noogu xigtay. Dagaallo kaloo fara badanj way jireen. Laakiin, dagaaladda ugu badani waxay ka dhaceen Laascaanood, iyo halkan aynu joogno, oo Tukafaq ah.


 

Waxay se muhiimadu tahay, guushii anagaa helnay. Ninka guulaystay ayuun baana meeaha leh”.


 

"Mudane madaxweyne markaynu halkan joogno, Garoowe 50KM ayay inoo jirtaa. Ciidankeenu xoog buu leeyahay. Awood buu leeyahay uu ku daafaco xadka aynu leenahay. 20,000 ee uu soo socday na, dadka ayay is barayeen. Haddii aanu dadku kaa raali ahayn ma deganaan kartid.


 

Mudane madaxweyne, adigoo taliyihii guud ee ciidamadda ah, sharaf bay kuu tahay in aad madax u noqoto ciidanka caynkaas ah, anagu na aanu kaaga hoosayno. Sharaf bay madaxweyne kuu tahay” ayuu yidhi taliye Nuux Taani.

Loading...
Loading...