Ruushka oo sii daayay 10 ajaanib ah oo lagu qabtay Ukraine ka dib dhexdhexaadin uu sameeyey Sacuudigu
Ruushka oo sii daayay 10 ajaanib ah oo lagu qabtay Ukraine ka dib dhexdhexaadin uu sameeyey Sacuudigu

RIYADH(HWN):-Wasaaradda arrimaha debedda ee Sucuudiga ayaa sheegtay in dalka Ruushku uu shalay Arbacadii sii daayey 10 maxbuus oo ajnebi ah oo lagu qabtay gudaha dalka Ukraine, intii ay socdeen dagaalada ka socda dalkaas, ka dib dhexdhexaadin uu sameeyey dhaxal-sugaha dalka Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan.

Maxaabiista la sii daayey ayaa u kala dhashay dalalka Maraykanka, Ingiriiska, Croatia, Morocco iyo Sweden, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha debedda, iyada oo intaas ku dartay in diyaaradda sidday maxaabiistani inay soo gaadhay boqortooyada Sucuudiga.
"Mas'uuliyiinta Sucuudiga ee ay khusayso ayaa ka guddoomay oo ka soo qaaday dalka Ruushka maxaabiistan, iyada oo loo soo wareejiyey boqortooyada Sucuudiga, waxaana loo fududayn doonaa sidii ay ku gaadhi lahaayeen dalalkii ay u dhasheen” ayaa lagu yidhi bayaanka ka soo baxay wasaaradda arrimaha debedda.
Dawladda Sucuudigu ma sheegin magacyada maxaabiista, hase ahaatee sarkaal Sucuudi ah ayaa sheegay in dadka la soo daayey ay isugu jiraan shan qof oo u dhashay dalka Britain, laba muwaadin oo u dhashay Maraykanka, min hal muwaadin oo u kala dhashay dalalka Croatia, Marooko iyo Sweden.
Markii warkani soo baxay, ayaa ra’iisal wasaaraha Britain Liz Truss waxay boggeeda twitterka kaga hadashay sii deynta muwaadiniinta u dhashay Britain, iyada oo ku tilmaantay "war si weyn loogu farxo” ka dib ay wakhti dheer ay kala maqnaayeen iyaga iyo qoysaskoodu.
Dadka uu Ruushku sii daayey waxaa ku jira laba muwaadin oo Maraykana oo lagu kala magcaabo Alexander Drueke oo 39 jir ah, iyo Andy Huynh oo 27 jir ah sida ay qoyska labadan muwaadin u xaqiijiyeen wakaaladda wararka ee Reuters.
Labadan qof ee Maraykanka ah ee ka soo jeeda gobolka Alabama ayaa la qabtay bishii June iyaga oo ka dagaalamaya bariga dalka Ukraine, halkaas oo ay u tageen inay taageeraan ciidamada Ukraine ee iska caabinaya duulaanka Ruushka.
Ajaanib tiro badan ayaa u socdaalay dalka Ukraine si ay uga barbar dagaalamaan ciidamada dalkaas, tan iyo markii uu Ruushku duulaanka ku qaaday Ukraine, bishii February ee 2022. Qaar ka mid ah ajaanibtaas waxaa gacanta ku dhigay ciidamada Ruushka.
REUTERS
REUTERS
Loading...
Loading...