Xildhibaan Mukhtaar Maydhane Oo Ka Hadlay Xaaladdaha Cakirran Ee Doorashooyinka Somaliland
Xildhibaan Mukhtaar Maydhane Oo Ka Hadlay Xaaladdaha Cakirran Ee Doorashooyinka Somaliland
Hargeisa(HWN):-Xil Mukhtaar Maydhane oo ka mida Mudaneyaasha golaha Wakiillada Somaliland, ayaa ka hadlay khilaafka cakirran iyo is marin-waagga ka taaggan qabsoomidda doorashadda Madaxweynaha oo wakhtigeeddu ku egyahay 13-ka bisha November ee sannadkan aynu ku jirno.
Xildhibaan Mukhtaar Maydhane waxa uu golaha Guurtidda Somaliland u soo jeeddiyay inay doorkeedda shariifka ah ka qaataan Xeerka horyaalla ee golaha Wakiilladdu wax ka badalka iyo kaabista ku sameeyeen, waxaannu ka digay inay guurtiddu ilduufto fursaddaas oo ku tilmaamay mid Somaliland hore u sii wadi karta haddii ay fahmaan golaha guurtiddu.
Mudaneyaasha saaxiibaday ah ee cabanaya waan soo dhawaynayaa. Qodobka ku saabsan habraacyada sharci ee ay ka cabanayaanna waa mid si sharci la iskula eegi karo. Waana mid mudan in la iska qanciyo ama si waafaqsan xeerarkeena cid awood u lihi xukunto.
Su’aasha se na wada hortaalay waa maxaad dalka xal u haysaan ee kadartan lagu dhaafayaa? Muranka doorashooyin, mudaneyaal, jid jare leh ma u haysaa mise oodanka in lagu sii socdo?
Berigii hore, muranada doorashooyinka ka dhasha waxa ay Soomaalilaan kaga soo gudbi jirtey is-afgarad, kadibna waxa loo rogi jirey xeer waafaqsan dulucda is-afgaradkaas si loo hirgeliyo.
Markanse way ka geddisan tahay oo is-afgaradkii waxaa kasoo soke maray xeerkii. Kaabista iyo wax ka bedelka labada Xeer ee kala ah 14aad iyo 91aad ee shalayna loo gudbiyey Golaha Guurtidu waxa ay yimaadeen xilli laga rejo dhigay in la iska afgarto doorashooyinka soosocdaa sida ay u soo kala horreeyaan, iyo weliba kadib mudaharaado sababay dhimasho intii ugu badnayd ee mudaharaad ku dhinta.
Waxa intaas dheer in doorashada ururada, sida Xeer 91 dhigayo, ay tahay mid la socota ta Dawladaha Hoose. Qaraarkii Maxkamada Sare ee isugu jirey tafsiir sharci, oo ah inay laashay isku-sidkanaantaa maadaama ay muwaadiniinta xaqoodii Dastuuriga ahaa duudsinayso, iyo xeer-dejin, ah in la galo doorasho toos ah, ma ahayn mid la fulin karo laba daraaleba. Mar ahaan, awooda xeer-dejinta Baarlamaanka ayaa leh cid kalena looma wareejin karo. Mar labaadna, xataa haddii aragti ahaan loo qaato, kuma filnayn inuu cadeeyo sida ay u dhacayso doorashadaasi loona kala guulaysanayo.
Intaasi iyadoo halkaa taal ayaa wax bil iyo saddex usbuuc ah uuni ka dhiman yihiin maalinta ay ahayd in doorashada madaxtooyada loo dareero. Kaba sii darane, 3 usbuucba weeye inta horteed ay tahay in muddo-kordhin haddii ay dhacayso Guurtidu samayso. Qiilka muddo-kordhintuna ma aha kuwii uu Dastuurku jideeyey, mana dhaafsana nuxur ahaan, "Awalba waala kordhin jirey ee maxaa hadda gooni ah?” Oo haddii ay qaldanaydna?
Sidii aanay intaasiba dhib inoogu filnayn, waxa iyadna la duri karaa golahan samaynaya muddo-kordhinta oo ah ka qudha ee maanta ka da’ weyn Dastuurka 22.5 sano maraya. Waana hay’adda keliya ee iyadu isku kordhisa muddo-xileedkeeda.
Hadda kuguma soo hadalqaadin weli xisbiyada oo ah sallaanka xilalka doorasho ee qaranka in iyaguna ayna sii cimri dheerayne ay kaga eg tahay laba usbuuc uun kadib maalinta muddo-xileedka madaxweynuhu idlaanayo.
Waxaasoo arrin ah ee ina horyaalaa hadday kugu dhaliyeen in marka ay gaadho 13ka Diisanbar Golaha Wakiiladu noqonayo hay’adda ugu sarraysa dalka ee la hubo sharciyadeeda (haba soo labeeyaan Goleyaasha Deegaankuye), oo ah kalsoonidii kal hore uun ay bulshada cod kaga soo heleen,hadda uun bay hagaag kuugu muuqdaan inta ay gun dheer tahay xiisaddani. Ma aha oo keliya xiisad xeer ee waxa la odhan karaa waa mid Dastuuri ahna. Haddaynaan wax ka bedel iyo kaabid ku samayn Dastuurkuna, ma aha mid inaga baaqanaysa, in yar uun baan dib u dhigi karnaa!
Sidaa awgeed, kaabista iyo wax ka bedelka labadani xeer waxa ay ina siinayaan fursad maanta aynu ku furdaamino xaalada cakiran, xilli laga baqe qabo mudaharaado sii socda iyo in hay’badda dawladnimo ixtiraamkeeda lagu wiiqo bulshada oo ka hortimaad. Haddii shalay la fahmi la’aa waxa ay ahayd in la iska afgarto, maanta isagoo af sharci ku qoran ayuu yaalaa Guurtida.
Maanta iyo Guurtidu sida ay u dhaqanto weeye halka kadabka dawladnimadu ka laadlaado: (1) In ay noqoto tii doorka horyaal lahayd ee aayaha umadda ka ilaalin jirtey hadimo; iyo (2) In ay noqoto tii wixii ay ku maamuusnayd ee waxtarkeeda ahaa gacanteeda ku tirtirta. Mudaneyaal, irmaan inaad u qaadaan ayaa aniga iyo reer Soomaalilaanba idinka eegaynaa.
"Anigana hadhaw iyo faallo
Halistaa inaan ka afeeftay
Oo weliba hiif iga gaadhay
Hagarlaawe, ii geli buuga
Taariikhda aan wax hilaamin”
Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye)
Halistaa inaan ka afeeftay
Oo weliba hiif iga gaadhay
Hagarlaawe, ii geli buuga
Taariikhda aan wax hilaamin”
Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye)
Loading...
Loading...