Dalal Ay Soomaaliya Ku Jirto 'Oo Afartii Ilbidhiqsi Ee Kasta Uu Hal Qof Gaajo U Dhimanayo'
Hal qof ayaa lagu
qiyaasay in uu gaajo u dhimanayo afartii ilbiriqsi kasta dalal ay Soomaaliya ka
mid tahay, iyada oo in ka badan 200 oo iskugu jira hay'adaha aan dowliga aheyn
iyo ururrada gargaarka ee caalamka ay ka digeen dhibaatadan Talaadadii, iyagoo
ku boorriyay tallaabo caalami ah oo go'aan looga qaato si loo soo afjaro
dhibaatada gaajada ee caalamka ku sii fideysa.
Warqad furan oo ay kula
hadlayeen hoggaamiyeyaasha adduunka oo isugu yimid New York oo ay kaga qeyb
galayaan shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, ayaa 238 urur oo ka kala
socda 75 waddan, oo ay ku jiraan Oxfam, Save the Children iyo Plan
International ku muujiyeen sida ay uga xun yihiin heerka gaajada cirka isku
shareertay.
Waxay bayaanka ay soo
saareen ku sheegeen in 345 milyan oo qof ay hadda la il daran yihiin gaajo
daran, tiradaas oo laba jibaarantay tan iyo sanadkii 2019-kii.
"In kasta oo madaxda
caalamkunay ballan-qaadyo ku sameeyeen in aan marnaba la oggolaan karin macluul
qarnigan 21-aad, haddana macluul ayaa mar kale kusoo fool leh Soomaaliya,
adduunka oo dhan 50 milyan oo qof ayaa qarka u saaran inay macluul u dhintaan 45
waddan,” ayay yiraahdeen ururadan.
Waxa ay tilmaameen in
dad gaaraya 19,700 oo qof lagu qiyaasay inay maalin walba gaajo u dhimanayaan,
waxaana ay sheegeen in taasi ay ka dhigan tahay in afartii ilbiriqsiba hal qof
uu gaajo u dhinto.