Itoobiya Oo Shaqadii Ka Joojisay Shirkad Shidaal Qodis Ka Wadday Deegaanka Somalida
Dowladda Itoobiya ayaa
qanddaraaska ka joojisay shirkad qaabilsan shidaalka oo laga leeyahay Shiinaha.
Shirkaddan oo ay qeyb ahaan leedahay dowladda Shiinaha ayaa shidaal qodis ka
waday Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya.
Itoobiya waxay sheegtay
inay shirkadda Poly-PGL ay kuu guuldareysatay inay raacdo heshiiska ku saabsan
dhaqaalaha iyo dhanka farsamada ee shidaal soo saarista.
Dadka deegaanka ayaa ku
eedeeyay shirkaddan inay sumeysay ceelasha biyaha kadib markii ay shirkadda ku
daadisay waxyaabo waxyeelleynayo deegaanka.
Shirkadda kama aysan
hadlin eedeymaha loo jeediyay.
Dowladda Itoobiya ayaa
qorsheyneysay in ay ka faa'iideysato ceelal laga helay shidaal oo laga helay
deegaanka Soomaalida, laakiin waxaa jirta cabasho ay dadka Soomaalida ah ka
qabaan mashruucan oo ah mid aad u baaxad weyn.
Shirkad Shiineys ah, oo
in muddo ah qiimeyn ku sameyneysay ceelasha shidaalka iyo sida loo wajihi karo
howsha qodiska, ayaa dhawaan dowladda federaalka Itoobiya u xaqiijisay in la
qaadi karo tallaabada ka faa’iideysiga.
Muddo dheer ayay
Itoobiya ku howlaneyd inay xog dhammaystiran ka hesho kheyraadka dabiiciga ah
ee gaarka ku ah gobolka Soomaalida.
BBC