"Cadaadiska Lay Saaray Ayaa Sababay Inaan Gurigaygii Muqdisho Tagi Waayo, Cadaadana Aan…"Madaxweyne Xaaf

0
Monday June 10, 2019 - 18:59:50 in News by
  • Visits: 2172
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Cadaadiska Lay Saaray Ayaa Sababay Inaan Gurigaygii Muqdisho Tagi Waayo, Cadaadana Aan…"Madaxweyne Xaaf

    "Cadaadiska Lay Saaray Ayaa Sababay Inaan Gurigaygii Muqdisho Tagi Waayo, Cadaadana Aan…"Madaxweyne Xaaf

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Cadaadiska Lay Saaray Ayaa Sababay Inaan Gurigaygii Muqdisho Tagi Waayo, Cadaadana Aan…"Madaxweyne Xaaf


Muqdisho(HWN):-Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo ay si adag iskaga soo horjeedaan dawlada federaalka ah ayaa soo bandhigay cadaadisyo uu la kulmayo.


Madaxweyne Xaaf ayaa sheegay in cadaadisyada uu kala kulmayo dawlada federaalka ah ay ku dhaliyeen arimo badan, isaga oo si gaar ah u xusay goobo uu ku dhici waayey inuu tago.



Madaxweynaha maamulka Galmudug Xaaf oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu yidhi " Cadaadiska na saaray waxaa uu sababay in muddo hal sano aan tagi waayo gurigeyga Xamar, Cadaadana diyaarad baan ku dul maraa, Laakiin intaas oo dhan dagaal baan ka xigaa waana gaadhi doonaa Insha Allaah”.

Image result for madaxweyne xaaf

Wuxuu sheegay in ay jiraan dad badan oo ka soo horjeeda hormar ay sameyso Galmudug, isaga oo tusaale u soo qaatay halkii ay ku danbeeyeen mashaariic dhowr ah oo madaxda ugu sareysa dalka dhagax -dhigeen deegaannada Galmudug.


"Dadka naga soo horjeeda wanaagGeena ma rabaan, halkaan maalintii aynu imaaneynay oo ugu horeysay meelo badan ayaan dhagax dhignay, wax soo laabto ma aragteen, mana arki doontaan, ''ayuu yiri Madaxweynaha Galmudug.


Dhinaca kale Xaaf ayaa meesha ka saaray in uu jiro khilaaf soo kala dhax-galay isaga iyo madaxda Ahlu Sunna ee ku biiray Galmudug oo maalmihii ugu danbeeyay siweyn looga hadal hayay baraha bulshada.


''Wararka baraha bulshada leysla dhaxmarayo ee ah in uu khilaaf na soo dhax-galay Annaga iyo madaxda Ahlu Sunna ee ka tirsan Galmudug waxba ma jiraan'' ayuu yiri Xaaf.


Ugu danbeyntii waxaa uu sheegay in dhamaan caqabadaha la soo darsay ee lagu hayo maamulkiisa si dhib yar uga gudbi doonaan, isaga oo yiri '' Ma jirto cid nagu gumeysan karta deegaannada Galmudug''


Bilhii ugu danbeeyayba waxaa jiray khilaaf xoog leh oo u dhaxeeyay madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug iyo dowladda dhexe ee federaalka.

Loading...
Loading...