"Suudaan Maaha Soomaaliya"..Hormoodka Mudaharaadadii Suudaan Oo Ka Hortimid Socdaalkii Raysal Wasaaraha Itoobiya
Bar Twitter oo la sheegay in ay leedahay Alaa Saalax oo ah gabadh reer Suudaan ah oo ka mid aheyd dadkii horkacayay dibadbaxyada galaaftay madaxweynihii hore ee Suudaan, Cumar Xasan Al-Bashiir, ayaa barteeda Twitter-ka kusoo qortay erey ay dad badan dhibsadeen.

Waxay sheegtay in xaaladda Suudaan aysan la mid aheyn midda ka taagan dalka Soomaaliya.
"Ra'iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed waxaa uu soo gaaray Khartuum, booqasho lagu tilmaamay dhexdhexaadinta dibadbaxyaasha Suudaan iyo hoggaamiyeyaasha militariga. Suudaan ma ahan sida Soomaaliya," ayay tiri Alaa Saalax.
Lama xaqiijin karo bartan in ay Alaa Saalax leedahay balse dad badan ayaa si kala duwan uga falceliyay farriinta lagu qoray.
Qaar kamid ah dadka Soomaalida ee adeegsada baraha bulshada ayaa ka carooday qoraalka Alaa Saalax oo ay ku sheegeen mid aanan habooneyn isla markaasna shacabka deggan labada dal ay yihiin dad walaalo ah.
Source:-BBCsomali


0 





