Musharax Ciro Oo Sheegay In Golaha Wakiiladu Soo Afjaray Khilaafkii Doorashada

0
Monday September 19, 2022 - 17:24:44 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1693
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Musharax Ciro Oo Sheegay In Golaha Wakiiladu Soo Afjaray Khilaafkii Doorashada

    "Golaha Wakiiladu waxa ay maanta soo afjareen marmarsiyihii Sharci ee doorasho diidka"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Golaha Wakiiladu waxa ay maanta soo afjareen marmarsiyihii Sharci ee doorasho diidka"


Hargaysa (HWN) Musharaxa Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Ciro ayaa sheegay in golaha wakiiladu manta soo afjaray marmarsiiyo uu sheegay inay wadeen qolyo uu ku tilmaamay doorasho diid.

Musharaxa ayaa qoraal uu arinkaasi kaga hadlayo oo uu baahiyay ku yidhi:-

 

"Waxa aan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Mudanayaasha Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland (Xeer-dajiyayaal) oo maanta si ay Qarankeenna uga badbaadiyaan khilaaf siyaasi ah, iyo mid Dastuuri ahba ansixiyey in la isku sidko doorashada Madaxtooyada JSL iyo doorashada Ururrada Siyaasadda/Xisbiyada Qaranka isla markaana qabyo tiray Xeerarkii Doorashooyinka khuseeyey oo dhan.



Golaha Wakiiladu waxa ay maanta soo afjareen marmarsiyihii Sharci ee doorasho diidku dalkan ay ka wadeen. Hambalyo mar labaad.” Ayuu yidhi

 

 

Mooshinkan ay manta ansixiyeen golaha wakiiladu ayaa ugudbaya golahaguurtida oo haddii ay 


meel mariyaan aakhirka utaga Madaxwayne Muuse Biixi oo lafilayo in uu soocelin doono.


 

Loading...
Loading...